Madaxweynaha oo Shaaciyay Go’aanka Kama Dambeysta ah ee Heshiiska Somaliland Itoobiya

0
49

“Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in la saxeexo MOU-ga loona beddalo xeer oo uu dhaqan-galo” Madaxweyne Md Muuse

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan heshiiska badda ee bishii January ee sannadkan ay wada galeen dowladdaha Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu arrimahaasi kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay munaasabad loogu dabaal-dagayay 64 guuradii ka soo wareegtay 26-ka June oo ah markii Somaliland xornimada ka qaadatay maxmiyadii Ingiriiska.

Madaxweyne Muuse ayaa shaaciyay go’aanka kama dambeysta ee ku aadan heshiiska badda oo muran badan dhaliyay, kadib markii ay dowladda Soomaaliya diidmo ka muujisay, wuxuuna ku adkeystay inuu dhaqan-gelin doonaan, isla markaana u beddali doonaan heshiis rasmi ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Hargeysa iyo Addis Ababa ay ka go’an tahay in heshiiskaasi uu hirgelo, isla markaana ay mar kasta diyaar u yihiin sidii loo fulin lahaa.

“Somaliland iyo Itoobiya waxaa ka go’an in la saxeexo MOU-ga loona beddalo xeer oo uu dhaqan-galo” ayuu khudbadiisa ku yidhi madaxweyne Muuse.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Aroorta haddii ay qolada kale diyaar tahay annaga diyaar ayaanu nahay waa dal ballaadhan mana jirto wax ka noqosho ah”.

Dhinaca kale madaxweyne Biixi ayaa soo qaaday arrinta ictiraafka oo ka mid ah asbaabaha Somaliland heshiiska kula gashay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland iyo dadkeeda ay haystaan fursad muhiim ah oo lagu aqoonsan karo, wuxuuna shaaciyey in dalal badan ay daneynayaan Somaliland.

“Ictiraafku waxaa weeye in adiga dadku ku qiimeeyo oo uu kuu baahdo, ilaaheyna intaas wuu ina siiyay, oo dalka meel aynu wada ognahay oo maanta adduunka meel Juquraafi ahaan loo baahan yahay ayuu ku yaalaa” ayuu mar kale ku sheegay khudbadiisa madaxweyne Muuse Biixi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Md. Muuse ayaa ka hadlay damaca maamulka Soomaaliya ee sheegashada Somaliland iyo khilaafkooda heshiiska Itoobiya oo uu sheegay inaanay shuqul ku lahayn, waxna laga weydiinayn hirgelintiisa.

Sidoo kale mar uu ka hadlayey doorashooyinka iyo u diyaargarowgooda ayuu sheegay inay xukuumad ahaan ay u diyaariyeen dhinac dhaqaale iyo amaan, loona baahan yahay axsaabta qaran iyo ururada ka qeygelaya inay wadajir uga shaqeeyaan qabsoomidooda.

Munaasibada ayaa sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo ka hadlay dhamaantood soo jeediyeen in gacmaha la isku qabsado horumarinta nabada iyo xasiloonida Somaliland.