Shiinaha oo Xukun Dil ah ku soo Rogay Madaxda Taiwan

0
42

Shiinaha ayaa ku hanjabay inuu ku soo rogi doono ciqaab dil ah mas’uuliyiinta mayalka adag ee hormuudka u ah gooni-u-goosadka madax-bannaanida eeTaiwan, inkasta oo maxkamadaha Shiinaha aanay awood u lahayn jasiiradda si dimuqraadi ah loo xukumo.

Shiinaha, oo u arka Taiwan dhul ka mid ah Shiinaha, mana qariyo neceb uu u qabo Madaxweyne Lai Ching-te, oo xilka qabtay bishii hore , isaga oo sheegay inuu yahay madax bannaanida Taiwan.

Taiwan waxay ka cabanaysay cadaadiska Shiinaha oo kor ugu kacayo tan iyo markii uu Lai ku guulaystay doorashadii January, iyaga oo bilaabay ficilada milatari, cunaqabataynta ganacsiga iyo ilaalada uu saaray xeebaha jasiiradaha ay maamusho Taiwan ee Shiinaha xiga .

Xeerarka cusub ayaa sheegaya in maxkamadaha Shiinaha, dacwad oogayaasha, hay’adaha amniga guud iyo kuwa kale ee amaankaba ay tahay inay “si adag u ciqaabaan kuwa wada madax-bannaanida Taiwan, ayna si adag u difaacaan madax-bannaanida qaranka, midnimada iyo wadajirka dhuleed”, sida laga soo xigtay Shiinaha Wakaaladda wararka ee Xinhua ee ay dowladdu maamusho.

Ogeysiiska Beijing ee Jimcihii la sii daayay ayaa qeexaya ciqaabta dilka ah ee “hogaamiyeyaasha” dedaallada madax-bannaanida kuwaas oo waxyeello halis ah ku ah dalka iyo dadka”, ayay tidhi Xinhua.

U doodayaasha kale ee hormuudka ka ah waxay wajihi karaan xabsi u dhexeeya 10 sano ilaa nolosha.

Xeerarka cusub – oo dhaqan galaya laga bilaabo jimcaha – waxa uu la jaan qaadi doonaa sharciyo horeyba loo diiwaan geliyey, oo uu ku jiro sharcigii ka soo horjeedka madax bannaanida Tawian ee sanadkii 2005, ayuu tidhii Xinhua. Sharcigaas ayaa Shiinaha siinaya saldhig sharci ah oo uu ku qaadi karo tallaabo milatari oo ka dhan ah Taiwan haddii ay goosato ama ay u muuqato inay ku dhowdahay.

Sun Ping, oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda amniga guud ee Shiinaha, ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Beijing ciqaabta ugu badan ee “dambiyada gooni-goosadka” ay tahay ciqaabta dilka ah.

“Seefta fiiqan ee sharciga ah ayaa had iyo jeer dul sudhnaan doonta,” ayay tidhi.

Golaha arrimaha dhulweynaha Taiwan ayaa cambaareeyay tallaabada Beijing, iyaga oo u sheegay dadkeeda in aanu Shiinuhu u hanjabi karin.

“Masuuliyiinta Beijing gabi ahaanba wax awood ah uma laha Taiwan, shuuciyada Shiinaha waxa loogu yeedho shuruucdooda iyo xeerarkooda wax awood ah kuma laha dadkeena,” ayaa lagu yidhi bayaanka Jimcihii. Sidaas oo kale Tawian waxay ka codsatay dadka waddankeena inay dareemaan xasillooni oo aan loo hanjabin ama aanu cabsi gelin xisbiga Shuuciga Shiinaha.

Lai ayaa marar badan u soo bandhigay inuu wadahadal la yeesho Shiinaha laakiin waa laga diiday. Waxa uu sheegay in dadka reer Taiwan oo kaliya ay go’aan ka gaadhi karaan mustaqbalkooda.

Shiinaha ayaa horey u qaaday tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah mas’uuliyiinta Taiwan, oo ay ku jirto cunaqabateyn lagu soo rogay Hsiao Bi-khim, safiirkii hore ee Taiwan u joogay Maraykanka, haatanna ah madaxweyne ku xigeenka jasiiradda.

Ciqaabaha noocan oo kale ah ayaa leh saameyn yar oo la taaban karo maadaama maxkamadaha Shiinaha aanay awood ku lahayn Taiwan, oo dawladdeedu ay diido sheegashada madax-bannaanida Beijing. Saraakiisha sare ee Taiwan, oo uu ku jiro madaxweynaheeda, ayaan sidoo kale booqan Shiinaha.