“Xisbiyada Mucaaridka ee Diidani waa kuwii Nala Qaatay in lagu Galo Qalabka Isha ” Guddoomiye Riyo-raac

0
40

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Cabdirashiid Maxamuud Cali Riyo-raac ayaa sheegay in qalabka isha codaynta Doorashooyinku uu muhiim u yahay in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
Cabdirashiid Maxamuud Cali ayaa waxa uu intaa ku daray in Xisbiyada Mucaaradku hore u ogolaadeen in qalabka lagu galo doorashooyinka,

Cabdirashiid Riyo-raac oo Arimahaa ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waa qalab u muhiim ah qaranka iyada oo laga duulayo doorashooyinkii aynu soo marnay,komishanka markii aanu joognay ayaanu samaynay hawlgalka qalabka isha oo aanu raadinay.waanu kala tashanay Xisbiyadda qalabka isha markii aanu raadinaynay Xisbiyadda Mucaaraadka ee diidan way nagu hambalyeeyeen,waanan la yaabbanahay Xisbigii markii hore ogolaaday in la doono qalabka maan garan maanta wax ay uga hor yimaadaaan oo ay u diidaan.horumarka dalka waa in uu wada socdaa waa horumar Somaliland usoo kordhay,doorashada ayaana xor iyo xalaal noqonaysa qof aan xaq u la hayna ma,codayn karo.waana tallaaobo aanay dunidu gaadhin oo Somaliland gaadhayso,”.