Golaha Wakiillada JSL, oo Ansixiyay Xeerka Ciidanka Qaranka Somalilan

0
61

Hargaysa (Dawan) Golaha wakiillada Somaliland ayaa meel mariyay xeerka ciidanka Qaranka Somaliland, oo madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,  golahaasi dib ugu soo celiyay.

Fadhigii Shalay ee golaha wakiillada Somaliland oo uu shir guddoominayay guddooomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiillada Somaliland Mudane Siciid Faarax Mire Giirre, ayaa markii uu furmay waxa uu mudaneyaasha ku wargeliyay in uu horyaalo xeerkii ciidanka Qaranka oo uu sooceliyay madaxweynaha JSL, kaas oo 14 qodob oo ka mid ah, 8 ka mid ah uu ka saaray kuwaas oo dastuurka ka hor imanayay, halka uu 6 qodobna uu wax ka beddel ku sameeyay.

Waxaana soojeedinta madaxweynaha iyo ta garyaqaanka golahaba ka hor akhriyay golaha xoghayaha guud ee golaha wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Xeerka ciidanka Qaranka Somaliland Xeer Lr.105/2023 oo ay curiyeen golaha wakiillada Somaliland, ayaa saaka lagu ansixiyay fadhigii saaka, waxa ogolaaday 45 Mudane, waxaa diiday 2 mudane, waxa ka aamusay 7 Mudane guddoomiyuhuna muu codayn sidaasanu ku ansaxay.

Sidoo kale Mudanayaasha golaha wakiillada ayaa waxa ay ka doodeen Xeerka hawl-gabka iyo xaqsiinta shaqaalaha, kaasi oo golaha horyaala.