Guddida Degmada Maxamuud Haybe oo Kormeeray Dhismaha Saldhig Boolis Cusub

0
57

 

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan) Guddida horumarinta degmada Maxamuud Haybe ayaa kormeeray dhismaha saldhigga Booliska ee degmadaasi

Gudida horumarinta degmada Maxamuud Haybe ayaa kormeeray, Saldhiga degmadaasi oo dhawaana la bilaabay, isla markaana dhismihiisu hadda socdo.

Saldhigan loo dhisayo degmada Maxamuud Haybe, ayaa kaalin weyn ka qaadan doona dhinaca amniga degmada, waxaana dhismaha saldhigani iska kaashaday bulshada degmada Maxamuud Haybe iyo maamulka dowladda hoose.

Masuuliyiinta guddida horumarinta degmada Maxamuud Haybe ee caasimada Hargeysa, ayaa sheegay in isku tashi bulsho lagu dhisayo Saldhigani, waxaanay masuuliyiinta dowladda hoose ku ammaaneen kaalinta ay ka qaadatay taaba-gelinta saldhigan.

Sidoo kale waxa ay guddidu xuseen in uu si habsamileh u socdo dhismaha Saldhigani,    waxanay uga mahad celiyeen cidkasta oo ka qayb qaadatay dhismaha Saldhiggaasi.

Gaba-gabadii guddidu waxa ay bulshada ka codsadeen inay la yimaadaan hal abuur kana qayb qaataan qaadhaankasta oo lagu horumarinayo degmada.