Madaxwaynaha Somaliland oo Farriin u Diray Dawladda Jabuuti

0
76

Hargaysa (Dawan) Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaq ka socda dalka Jabuuti, oo uu madaxwaynuhu  xusay in aan laga filayn in ay ka yimaadaan Jabuuti arrimaasi, waxaanu caddeeyay madaxwaynuhu in ay Jabuuti ku sugan yihiin Jabhad sheegtay inay xoraynayaan Awdal.

Madaxwaynaha Somaliland oo ka hadlayay munaasibad uu xadhiga uu kaga jarayay Madxafka Qaranka oo xukuumaddu hirlisay ayaa bulshada iyo aqoonyahanka dalka ugu baaqay inay ka midaysnaadaa dicaafida Qaranimada Somaliland oo uu sheegay in xiliga ay jiraan cadaw badan oo ku jihaysan sidii ay wax u yeeli lahaayeen.

Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aan loo baqayn in wax la yelo wakhtigan Qaranimada Somaliland oo ay ku filan yihiin difaaca Qaranimada  iyo sharafta dalka waxaanu yidhi

 

“Waxan ku soo koobayaa arrimaha Geeska ka socda, maalmahan waxa aynu maqlaynay qolo Jabhad ah oo Jabuuti ka dhex hadlaysa oo leh Awdal baanu xoraynaynaa, halkaa taa kamaynaan filayn hadayse talo taa ka noqotay, wixii ka dhasha ayaynu arki doonaa Insha ALLAHA.

Waxan ku soo koobayaa Somaliland maanta loo baqi mayo, gudaheeda waxa loo baahan yahay inaynu ilaashano Qaranimada oo aynu wada daafacno, dadka oo dhami way is qabsadaan oo qoyska ayaa is qabsada, walaaha ayaa is qabsada, dadku nolosha waa isku khilaafaa laakiin waxa laga siman yahay Qaranimada ayaa loo kala dheereeyaa difaaceeda.

Dhammaan dadka Somaliland waliba inta siyaasadda danaysa ee Xisbiyada ah ee aqoonyahanka ah waxaynu ka midaysan nahay Qaranimada daafaceeda iyo in aynu wixii Qarankaasi liicinaya aynu u wada idaysnaano, wixii xeerkaa ka baxaa cadawga ayuu soo raacay”.