Somaliland waxay ka mid tahay wadamadda Geeska Afrika ee muddo la daalaa dhacayay dhibaatooyinka isbedelka cimiladda …”

0
41

 

Diyaariye” kkhadar cabdi muuse

Wasaaradda Deegaanka Somaliland iyo haayadda FAO ayaa iska kaashanaya sidii wax looga qaban lahaa saamaynta xun ee uu isbedelka cimiladu ku yeeshay qaybaha kala duwan ee deegaanka jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay wasaaradda Deegaanka jamhuuriyadda Somaliland iyo haayadda FAO ku hawlanaayeen sidii ay qorsheyaal midaysan uga yeelan lahaayeen wax ka qabashadda hawlaha ka dhashay waxyeeladda ay keentay arrintaasi.

Somaliland iyo sidoo kale wadamadda Geeska Afrika ayaa la tilmaamaa in ay ka mid yihiin dalalka ay saamaynta togan ku yeelatay isbedelka cimiladda, iyadoo si weyn arrinkaasi looga dareemayo guud ahaanba dhulka Somaliland.

Si dhibaatooyinkaasi wax looga qabto ayaa wasaaradda Deegaanka Somaliland waxay iskaashi la yeelatay haayado kala duwan oo ka mid ah kuwa ka shaqeeya arrimaha deegaanka, waxaana haayadahaasi ka mid ah haayadda FAO.

Hadaba qormadeena todobaadka ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa kulan hawleedyo kala duwan oo la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda ka dhalatay isbedelka oo ay wasaaradda Deegaanka jamhuuriyadda Somaliland iyo haayadda FAO ka yeesheen arrimahaasi.

Waxaana kulamadaasi ka mid ahaa kulan dhawaan lagu qabtay magaaladda Hargaysa oo socday muddo saddex maalmood ahayd, kaasoo lagu falan qeeyay sidii la isku wafajin lahaa qorsheyaasha wax ka qabashadda deegaanka ee haayadda FAO, iyo qorshaha horumarinta qaranka ee saddexaad NDP3, gaar ahaana qaybta wasaaradda Deegaanka.

Kulan hawleedka ayaa lagu falanqeeyey masuuliyadda iyo mudnaanaha labada dhinac, ee wasaaradda Deegaanka, iyo FAo, halkaasi oo hoosta laga xariiqay mudnaanaha ugu waaweyn ee laga wadashaqeyn karo iyada oo laga duulayo Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland ee 3aad.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Maxamed Cabdilahi Ducaale, oo kulan hawleedkaasi furay ayaa sheegay in u jeedadda kulankani ay tahay sidii loo soo bandhigi lahaa qorsheyaasha muhiimka u ah, sida ku xusan qorshaha qaranka ee saddexaad, ee qaybta wasaaradda Deegaanka, isla mrkaana ay haayadda FOA-na u soo bandhigi lahayd iyadoo ku salaynaysa qorshaheedda

Waxaanu yidhi “Sidii halkan loogu soo bandhigi lahaa qorsheyaasha muhiimka u ah, sida ku xusan qorshaha qaranka ee saddexaad, ee qaybta wasaaradda Deegaanka, isla mrkaana ay haayadda FOA-na u soo bandhigi lahayd iyadoo ku salaynaysa qorshaheedda, dalkan jamhuuriyadda Somaliland waxyaabaha qorshaha qaranka ee saddexaad inoogu qoran. Waxa kaloo u jeedooyinka shirkani ka mid ah, in aynu gunaanadka shirkeenan ku soo ururino, meelaha sida gaarka ah FAO iyo wasaaradda Deegaanku iskaga kaashan karaan, ee khuseeya shaqadda wasaaradda ama meelaha muhiimka u ah”.

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la tilmaamaa in ay ka mid tahay wadamadda Geeska Afrika ee muddo la daalaa dhacayay dhibaatooyinka isbedelak cimiladda, iyadoona lacagihii loogu tallo galay ee la doonayay in ay Afrika hesho guud ahaan ee arrimaha maalgelinta saamaynta isbedelka cimiladda in aanay si buuxda u wada helin.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Soamliland Maxamed C/laahi Ducaale, “Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka mid tahay wadamadda Geeska Afrika oo muddo la daalaa dhacayay dhibaatooyinka isbedelak cimiladda. Lacagihii loogu tallo galay ee la doonayay in ay Afrika hesho guud ahaan ee arrimaha maalgelinta saamaynta isbedelka cimiladda, ee lagu balamay 11% ayaa laga hayaa lacagtii la doonayay guud ahaanba caalamka.

Gobolkan Geeska Afrikana wuu ka sii duwan yahay caalamka kale, inagana duruufo ayaaba inoo dheer, oo arrimaha xagga siyaasadda ah. Xagga siyaasadda markaan ka hadlayo, waxaan ula jeedaa maadaama oo aynaan inagu aqonsi buuxa haysanin, International platforms-kiina aanay Somaliland xubin buuxda ka ahayn.

Iyadoo ay sidaa tahay hadana dawladda dedaaladeeda badan waxaa ka mid ah in aynu halkan u fadhino, in ay haayadda FAO, in ay garaabayso in qorshaheedii markii hore ku saabsanaa xaaladaha deg dega ah, ama meelaha kaleba lagu soo qorshaynayay, in ay inaga maanta halkan inala fadhido oo lagu salaynayo qorshihii qarankeena Somaliland iyo wixii aynu inagu halkan ku soo bandhigno ee ah goobaha ama meelaha aynu u aragno, in ay inaga muhiim inoo yihiin”ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan fursad u tahay in ay si toos ah u sheegaan ama u falan qeeyaan kuwa ay yihiin qorsheyaasha hagaya iyo hawlaha ay mudnaanta siinayaan.

Waxaanu rejo fiican ka muujiyay in guanaanka kulan hawleedkaasi ay ka soo bixi doonaan in ay awoodi doono in ay isku waafaqaan qorshihii guud ee iskaashiga qaranku ku salaysan yahay.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Inaga ka wasaarad ahaan maanta fursad bay inoo tahay in aynu si toos ah u sheegno, maxaa ina hagaya oo ah qorshihii qaranka ee inoo yaalay. Markaa inaga wasaaradeedanan deegaanka qorshaheenu wuu inoo qoran yahay.

Waxaan ka rejaynayaa in kulankeenan dhamaadkiisa ay inooga soo baxdo, in aynu awoodi doono in aynu isku waafaqno, qorshihii guud ee iskaashigeenu ku salaysan yahay, isla markaana uu inooga soo baxo qorshe tifaftiran oo aynu ku wada shaqayno” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland.