Wasiirka Wasaaradda Biyaha JSL, oo Xadhiga Ka Jaray Ceel Biyood Ay Ka Hirgaliyeen Wajaale

0
61

Qore: cadnaan bile jamac

Wajaale (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland iyo agaasimaha Guud oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gabiley ayaa xadhiga ka jaray ceel biyood cusub oo laga hirgaliyay Magaalada Wajaale.

Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in uu go’aankiisa lahaa ceel biyood uu maanta xadhiga ka jaray.

Sidoo kale waxa uu xusay in degmada Tog-wajaale ay labada gacmoodba ku maydhan doonto, waxaanu tilmaamay in ceel biyoodkan uu maanta xadhiga ka jaray uu ka mid yahay ceelasha biyahooda lagu guulaystay ee waraabiya magaalada Wajaale.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in biyaha laga hirgelinayo daanta Itoobiya in ay Somaliland la leedahay isla markaana loo soogelin doono beebabka biyaha magaalada Wajaale, waxaanu caddeeyay in biyahaasi aanay Itoobiya oo kaliyihi lahayn balse dadalka IGAD la isku yidhaahda ay wada leeyihiin.

Gaba-gabadii maamulka degmada Gabiley, maamulka degmada Tog-wajaale iyo qaybaha kala duwan ee bulshadii ka soo qayb gashay xadhig ka jarkii Ceel-biyoodkan ayaa xukuumadda Somaliland uga mahadceliyay hirgelingta ceel-biyoodkan oo ay sheegeen in uu wax weyn ka tari doono adeegbixintii biyaha ee degmada Tog-wajaale iyo degaanada hoos yimaada.