Xildhibaan Meecaad oo si adag ugu Jawaabay Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Puntland

0
126

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Cabdikariin Meecaad Xuseen, oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ayaa si adag uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee maamulka Puntland Axmed Karaash, oo ku hadaaqay in ay qabsanayaan magaaladda Ceerigaabo.

Axmed Karaash, oo la hadlayay kooxaha SSC Khaatumo, ayaa sheegay in ay dhawaan calankoodda ka taagayaan magaaladda Ceerigaabo, hase yeeshee xildhibaan C\kariin Meecaad, oo laga soo doorto gobolka Sanaag, ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid aan suurtoobi karin.

Waxaanu  sheegay xildhibaanku in dhalanteed iyo riyo tahay in Ceerigaabo laga taago calanka Khaatumo, isla markaana haddii ay kooxda Khaatumo isku dayaan in ay nabad geliyo daro ka abuuraan Ceerigaabo, in ay kala kulmi doonaan dhirbaaxo aanay ka soo waaqsan.

Xildhibaan C/kariin Meecaad, oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa sidoo kale uga digay masuuliyiinta kooxda SSC in ay ka waantoobaan hadaladda dhalanteedka ah ee ay ku sheeganayaan magaaladda Ceerigaabo.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi“Waxaan u malaynayaa ninkaasi gobolka Sanaag in aanu aqoon u lahayn, wuxuu ka sheekaynayay in degmadda Ceerigaabo, sida Gaalkacayo oo kale ay tahay, malaha waxaa lagu yidhi Ceerigaabo ayaad deegaan ku tihiin. Magaaladda Ceerigaabo daamo ma kala laha, dadkuna daamo uma kala degaan.

Haddii se laga tegi waayo, hadaladda gefka ah, ee nimanka masuuliyiinta ah ee reer SSC, ay ku hadlaan ama ay ku rioyoodaan. Waxaan leeyahay dadka xoqaya xumaanta ee  ka sheekaynaya Ceerigaabo ayaa calanka SSC laga taagayaa, waa riyo. Ninka ku riyoonaya Ceerigaabo ayaa calan kale oo aan ka jamhuuriyadda Somaliland ahayn laga taagayaa wuu riyoonayaa”.

Waxaanu intaas raaciyay “Waxaanan ku leenahay soo dhawoow, anagaa weliba si wanaagsan kuu soo dhawaynayna, anagoo ah dadkii deegaanka Ceerigaabo. Anagu waxaanu in badan ka sahqaynay in ay dadku nabad ku wada noolaadaan, laakiin ninka nabadda adkaysan waayaa wuu ka tegi doonaa. Cida laakiin dhibaato ka raadinaysa Ceerigaabo, dhirbaaxo aanay ka soo waaqsan ayay kala kulmi doontaa.

Nimanka SSC ee sida kibirka ah u soo hadlaya, waxaanu u aragnaa in ay duulaan ku yihiin Ceerigaabo. Anagu waxaanu nahay dadkii deegaankaa aad ku taqaaneen” ayuu yidhi xildhibaan C/kariin Meecaad.