Hindiya: Isu imaatin diimeed oo ay ku dhinteen in ka badan 121 qof

0
101

Khasaaraha ka dhashay isu imaatin diimeed oo ka dhacay gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga Hindiya ayaa gaadhay in ka badan 121 qof oo dhimasho ah, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah musiibooyinkii ugu dhimashada badnaa muddo toban sano ka badan.

Dhacdadan ayaa dhacday intii lagu guda jiray xaflada loo yaqaano satsang oo ka dhacaysay xafiiska diinta Hinduuga ee degmada Hathras Salaasadii.

Booliska ayaa sheegay in tirada dadka goobta ku sugnaa ay saddex laab ka badan tahay inta la ogol yahay, waxaana inta badan dadka dhintay ama ku dhaawacmay ay ahaayeen haween.

Musiibadan ayaa caro ka dhalisay Hindiya, waxayna keentay in su’aalo la iska weydiiyo habacsanaanta dhanka amniga. Waxaana la sheegay in la diiwaan geliyey Kiis dacwadeed oo ka dhan ah qaban-qaabiyeyaasha.

Maxaa dhacay?

Dhimashadu waxay ka dhacday tuulada Phulrai, halkaas oo nin ilaah isku sheega oo lagu magacaabo Bhole Baba uu ku qabanayay kulan diimeed.

Saraakiisha ayaa sheegay in munaasabaddu ay ahayd mid si weyn loo buux dhaafiyay.

Maamulka ayaa u fasaxay 80,000 oo qof inay isugu yimaadaan laakiin ku dhowaad ​​250,000 oo qof ayaa ka soo qayb galay xaflada, sida lagu sheegay warbixintii ugu horaysay ee xogta hotu dhaca ah ee uu booliisku gudbiyay.

Qalalaase ayaa ka dhashay dhamaadkii xaflada iyada oo la doonayey in daaciga gaadhigiisu ku baxo goobta. Warbixinta booliisku waxay sheegtay in kumannaan qof oo cibaadaysanaya ay u yaaceen dhinaca gaadhigiisa oo ay bilaabeen inay boodhka ka ururiyaan waddada iyaga oo ku kacaya fal cibaado.

Markii dadkii ay bateen, qaar badan oo ka mid ah kuwii fadhiyey iyo kuwii dhulka ku foorarsanayey ayaa dhulka ku dhacay oo isku dul dhacay.

Warbixinta ayaa intaa ku daray in dadka qaar ay isku dayey in ay u cararaan wadada hareeraheedana waxa ka buuxday dhoobo, balse waxa xoog ku joojiyey qabanqaabiyaasha ka dibna waa laysku dul daatay.

Waxa Booliska loo gudbiyey kiis ka dhan ah nin ay ku sheegeen inuu ahaa qabanqaabiyihii ugu weynaa ee xaflada iyo dhowr qof oo kale oo lagu eedeeyay dhowr dambi oo uu ku jiro dil.

Salaasadii, sawiro murugo leh oo laga soo qaaday goobta ayaa lagu faafiyay khadka internetka.

Muuqaalada qaar ayaa muujinayay dadka dhaawaca ah oo isbitaalada loogu qaadayo  oo ay sidaan gawaadhida xamuulka qaada, Bajaaj iyo xitaa mootooyin.

Muuqaallo kale ayaa muujinaya dad ku sugan bannaanka isbitaalka iyaga oo isku dayaya inay eheladooda ka dhex helaan meydadka.

Qof magaciisa ku soo gaabiyey Bunty, oo ka soo jeeda degmada Aligarh, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay geerida hooyadiis.

Meeyey Ninkii isku sheegay Ilaahay?

Ninkii isku sheegay Ilaah amaGodman, oo magaciisa asalka ah yahay Suraj Pal, ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhuumanayo ashramkiisa Mainpuri, oo qiyaastii 100km (62 mayl) u jirta tuulada Pulrai.

Wax badan lagama oga, balse wararka ayaa sheegaya in uu ahaa askari ka tirsan booliiska gobolka uuna qaatay magaca Bhole Baba ka dib markii uu ka tagay ciidanka.

Waxa uu leeyahay kumanaan caabuda, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay sheegeen in ay daba socdeen manhajkiisa diineed sanado badan.

Booliisku waxay sheegeen in uu maamulo urur lagu magacaabo Ram Kutir Charitable Trust, kaas oo sidoo kale ahaa qabanqaabiyihii ugu weynaa ee dhacdadan Salaasadii.

Satsangs waa munaasabado ay dadku isugu yimaadaan si ay u tukadaan, u qaadaan heeso cibaado ah ama dhageysiga daaciga oo inta badan ay ka soo qeybgalaan tiro badan oo haween ah.

Gomti Devi, oo goobjoog ka ahayd xaflada, ayaa sheegtay inay aad ugu kalsoon tahay Bhole Baba. Waxay sheegtay inay xidhato sanduuqa sawirkiisa sababta oo ah wuxuu daaweeyaa cudurrada, wuxuu dhameeyaa dhibaatooyinka guriga, wuxuuna bixiyaa shaqo.

Shilalka ayaa si joogta ah looga soo sheegaa munaasabadaha diiniga ah ee Hindiya, iyada oo dad aad u badan ay isugu soo baxayaan meelo cidhiidhi ah iyada oo ay yar tahay u hoggaansanaanta tallaabooyinka amniga.

Sannadkii 2018, ku dhawaad ​​60 qof ayaa dhintay ka dib markii tareen uu jiiray dad daawanayay dabaaldegga Dusshera, oo ah xaflad Hinduuga ah.

Sannadkii 2013-kii ayay ahayd markii dad Hinduuga ay isku dhaceen xaflad ka dhacday gobolka Madhya Pradesh ee badhtamaha dalkaas ay ku dhinteen 115 qof.