Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo Qabtay laba Eedaysane oo Baraha Bulshada ku Faafiyay iyagoo Basas ku Tartamaya

0
79

Hargeysa( Dawan):-Ciidanka   Nabadgelyada  Waddooyinka  ee booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay Laba Eedaysane  oo baraha bulshada lagu faafiyay iyagoo ku tartamaya labadii Bas ee wadaha ay ka ahaayeen.

Ciidanka  Booliska  ee  Nabedgalyada Wadooyinka  ayaa  faahfaahin ka bixiyay   laba Eedaysane  oo oo ku kacay waxyaabo ka hor imanaya sharciga waddo marista oo baraha bulshada lagu faafiyay.

Waxaana hadalkooda ku bilaabeen Sidan.

“Waxa aanu gacanta ku soo dhignay labo eedaysane oo tartan baabuur ku jiray,midna Wajaale ayaanu ka soo qabanay midna isaga oo Hargeysa soo galaya ayaanu ka soo qabanay.Shilalka waxa sababay  Xawaaraha iyo masuuliyad  darro,waxaana uga digaynaa darawaliinta  hadii ay sameeyaan waxyaabo ku khaldan sharciga.waxaana aanu la tiigsan doonaa sharciga  dadweynihii soo dhigayna waa  mahadsanyihiin.waxaana aanu leenahay dadka khaladka samaynayaan Darawalada Shirkada Sacaado waa in  Wasaarada Gaadiidka  liisanka kala noqoto,waayo Darawalada shirkada ayaa khalad ku kacay waa in Wasaarada gaadiidka adkayso sharciga shirkadaha gaadiidka,”.