Xisbiga KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Dallada Dhallinyarada HAN-MIDEEYE

0
76

Hargaysa (Dawan) Xisbul xaakimka Kulmiye ayaa munaasibad soo dhawayn ah u sameeyay dallada dhalinyarada Han-mideeye oo taageero buuxda la garab istaagay xisbiga Kulmiye iyo sidii uu ugu guulaysan lahaa mar kale hanashada hoggaanka dalka.

 

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa hadhimo-sharafeed ku maamuusay dallada dhaliinyarada Han-mideeye oo kamid ah dalladaha taageera xisbiga KULMIYE.

 

Guddoomiyaha ayaa dhallinyarada uga mahadceliyey go’aankooda ay ku taageerayaan xisbiga Kulmiye, waxana ay dhallinyaradu dhankooda uga mahadnaqeen sida uu u maamuusay ee uu u qaabilay.

 

Dallada HAN-MIDEEYE, oo si buuxda u taageerta xisbiga Kulmiye, ayaa ka kooban dhallinyaro kasoo jeedda gobollada Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer iyo Daadmadheedh.

 

Dhalinyarada dallada Han-mideeye ayaa hogaanka xisbiga Kulmiye la wadaagay inay diyaar u yihiin taageerada iyo garab istaaga xisbiga Kulmiye, waxaanay ballan qaadeen inay ka shaqaynayaan sidii uu xisbigu mar kale u hanan lahaa madaxtinimada dalka.

 

Dhankooda hogaanka xisbiga ayaa si diiran u soo dhaweeyay dhalinyaradan ku bahoobay dallada Han-mideeye waxaanay uga mahadceliyeen sida wanaagsan ee ay taageerada ula garab joogaan, waxaanau u ballan qaadeen inay la shaqayn doonaa ilaa guusha laga gaadhayo.