Xukuumadda oo Mishiino Kelyada lagu Sifeeyo ku Wareejisay Cisbitaalka Guud ee Boorama

0
86

Boorama (Dawan):Xukuumadda Somaliland ayaa laba mishiin oo kuwa kelyaha sifeeya ah oo Cisbitaalka Boorama baahi wayn u qabay ku wareejisay ka dib markii  mishiinadii hore qaar ka fadhiisteen.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo masuuliyiin kale ayaa shalay laba Mishiin oo kuwa Kelyaha sifeeya ah gaadhsiiyay cusbitaalka guud ee magaaladda Boorama.

Mishiinadan cusub ee lagu wareejiyay cusbitaalka Boorama, ayaa loo qorsheeyay in ay ka qayb qaataan dar-dar gelinta addeegyadda caafimaadka ee uu bulshadda siiyo cusbitaalka magaaladda Boorama.

Waxaanay labadan mishiin ee shalay dib looga shaqaysiiyay ay ka mid ahaayeen saddx mishiin oo kuwa Kelyaha sifeeya ahaa, kuwaasoo laba ka mid ah ay hore u fadhiisteen, isla markaana uu cusbitaalku baahi weyn u qabay ka shaqaysiinta labadan mishiin.

Sidoo kale wasiirka iyo xubnaha la socday waxay soo kormeereen qaybaha kala duwan ee cusbitaalka magaaladda Boorama, iyo xarumaha kale ee caafimaadka ee magaaladda, iyo sidoo kale dhismeyaal cusub oo ay wasaaradu hirgelinayso.

Wasiir Xasan Gaafaadhi, oo u jeedadda socdaalkoodda ka warbixinayay waxa uu sheegay in ay Boorama ka bilaabeen socdaal u kuur gal ah oo ay doonayaan in ay dhamaanba goboladda dalka ku soo wada maraan.

Waxaanu yidhi “Kormeerkayagani waxa uu daaran yahay, in aanu dhamaanba dalka marno, oo aanu ugu kuur galno addeeg bixinta caafimaadka. Waxaanu xalay (habeen hore) ku soo hoyanay magaaladda Boorama oo aanu saaka (shalay) shaqadayadii ka bilawnay, anagoo soo kormeernay dhamaanba qaybaha kala duwan ee uu cubsitaalka Boorama ka kooban yahay.

Waxaanu soo kormeernay qaybo cusub oo la dhisay, oo ay ka mid tahay qaybtii Qaliinka, oo la dhamaystiray, oo shaqaynaysa, qalabkeediina yaallo. Waxaa ka mid ah qaybtii gar gaarka deg deg ah, waana meel weyn oo aad u balaadhan.

Qaybtii Kelyaha oo saddex mishiin ku shaqayn jirtay, oo laba Mishiin ay ka fadhiday, labadiina wasaaradda caafimaadku way keentay, kii u horeeyayna saaka (shalay) waa la rakibay, kii labaad na gacanta ayaa lagu hayaa”.

Wasiir Xasan Gaafaadhi, waxa kaloo uu sheegay in isbedel weyn oo dhinacyo badan leh uu ka muuqda cusbitaalka guud ee magaaladda Boorama, haday tahay dhinacyada dhismeyaasha, qalabaynta, iyo qurxinta xaruntaba.

Isagoona u mahad naqay dhamaanba shaqaalaha cusbitaalka Boorama ka hawl galla, iyo cid kastoo gacan ka gaysatay horumarka uu sameeyay cusbitaalku.

“Waxaan aad ugu mahad naqayaa dhamaanba shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Awdal, gaar ahaana degmadda Boorama, oo laf-dhabar u ah in ay isbedelka iyo horumarka sameeyaan. Waxa kaloo aan u mahad naqayaa dhamaanba cid kastoo gacan ka gaysatay isbedeladaa iyo horumaradaa cusbitaalka Boorama ka muuqata” ayuu yidhi wasiirka caafimaadka Somaliland