Xukuumadda Somaliland oo Sheegtay in ay Iska Difaacayso Cadaw Isku soo Bahaystay

0
79

Xukuumadda oo Caddaysay in Doorashooyinku xilligooda ku qabsoomayaan

 

Qore Khadar M . Xaashi

Hargeysa (Dawan):-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in loo diyaar garoobo difaaca Somaliland iyo doorashooyinka muddaysan 13 November.

Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirada Somaliland yeesheen shalay oo  uu shir guddoominayay Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray go’aamo ay kamid yihiin difaaca Somaliland iyo qabashada doorashooyinka.

Waxaana sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay  madaxtooyada, waxaanu u dhignaa sidan.

Goluhu wuxuu caddeeyey in doorashadu wakhtigeedii lagu qabanayo, dalkana si adag looga difaacayo kuwa  isu soo bahaysatay  inay waxyeelleeyaan qarannimada Somaliland ee u soo hanjabaya ee colaaddu u cusub tahay.

Golaha Wasiirradu waxay war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka ka dhegeysteen wasiirka arrimaha Gudaha, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo golaha uga warbixiyey amniga guud ee dalka iyo xaaladda nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

Sidoo kale, goluhu waxa uu warbiximo ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha Maaliyadda Mudane Sacad Cali Shire iyo caafimaadka Xasan Maxamed Cali, waxaanu wasiirka horumarinta maaliyada  oo golaha xog-warran ka siiyey arrimaha dhaqan dhaqaale iyo diyaar garowga odoroska miisaaniyadda 2025 ee dalka, halka wasiirka caafimadka   oo ku dheeraaday xaaladda xannuunada kala duwan ee ay ka mid ka tahay xummadda (Dengue fever) oo dalka ka jirtay muddooyinkii u danbeeyey, Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo golaha la wadaagay qorshaha kobcinta horumarinta Kalluumaysiga dalka oo ay baahi weyn u qabaan bulshada Somaliland iyo sidii suuqyo cusub loogu heli lahaa kalluunka dalka.

Gaba-gabadii Golaha Wasiirrada waxa taariikhda markii u horaysay loo qaybiyey qabyo qoraalka xeerka Ciqaabta guud ee Jamhuuriyadda Somaliland ee uu yeelan doono dalku oo ay golaha keenneen Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Qaranka, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan.