Dhalinyarada Waxaan ugu Baaqayaa inay u Diyaar Garoobaan Difaacida Qaranka” Wasiirka Ciyaaraha JSL

0
95

Gabiley (Dawan): Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha jamhuuriyadda Somaliland C/rasaaq Muuse Faarax, ayaa ugu baaqay dhalinyaradda in ay u diyaar garoobaan sidii ay wadankooda uga difaaci lahaayeen cadawga isku soo baahaystay.

Waxaanu tilmaamay in jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay cadaw aad u fara badan oo doonaya in ay dumiyaan iftiinka Somaliland ee ka soo dhex baxay geeska Afrika, isla markaana ay hadda jiraan cadawgii hore iyo kuwo cusub oo isku soo baahaystay duminta qarankeena.

C/rasaaq Muuse Faarax, waxa kaloo uu sheegay in barnaamijka haatan miiska u saaran xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, uu yahay difaaca qaranka, iyo qabashadda doorashooyinka ee mudaysan dabayaaqadda sanadkani aan ku jirno.

Waxaanu yidhi “Waxaan halkan ugaga faa’iidaysanayaa in aan dhalinayarada jamhuuriyadda Somaliland kala hadlo, oo aan u sheego in ay nabadan, iyo kubadan, iyo noloshani, ay u baahan tahay in la difaacdo, in ay leedahay cadaw fara badan oo u soo diyaar garoobay.

Waxa socdaa na waxa uu ka turjumayaa cadaawada Soomaaliya, iyo ta cusub ee ay saaxiibadeen jabuuti imika soo kordhiyeen, dhamaanba waxyaabahaasi waxay u baahan yihiin dhalinyaradda oo ah 72% lixda milyan ee qof ee jamhuuriyadda Somaliland ku nool.

Waxaanan dhalinyarada ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan sidii ay dalkani u difaaci lahaayeen, isla markaana barnaamijka xukuumadda u yaalla imika uu yahay doorasho iyo difaaca dalka, labadaa qodob ayay tahay arrinta imika miiska inoo saaran”.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland C/rasaaq Muuse Faarax, oo shalay magaaladda Gabiley ku soo gebagabeeyay tartan ciyaareed kubbada cagta ah oo loogu magac darray tartanka koobka goboladda Galbeedka (Galbeed Cup), waxa kaloo uu sheegay in siyaasadda xukuumada uu hogaaminayo madaxweyne Biixi, ay tahay in la dhiiri geliyo dhalinyaradda si loo helo dhalinayaro caafimaad qabta.

Waxaanu yidhi “Xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi, ayay ka mid tahay siyaasadiisa badhaxa la’ in dhalinyaradda la dhiiri geliyo, lana helo dhalinyaro caafimaad qabta. Isla taa waxaa bar-bar taala inuu wadankani yahay jamhuuriyad najaxday oo ka dhisan bariga Afrika, waana iftiin weyn oo ka baxaya bariga Afrika, runtiina horumaro badan iyo guulo badan gaadhay, isla markaana uu cadawgiisu badan yahay”.

Geesta kale C/rasaaq Muuse Faarax, waxa uu bogaadiyay maamulka dawladda hoose ee Gabiley oo maalgeliyay tartan ciyaareedkani, isagoo na u hanbalyeeyay kooxdii ku guulaysatay koobkii tartan ciyaareedkaasi.

“Waxaan hanbalyaynayaa kooxda komishanka maamul wanaaga, oo ah kooxda guulaysatay, waxaan sidoo kale hanbalyaynayaa oo bogaadinayaa maayarka degmadda Gabiley oo mar walba bar-bar taagan horumarka degmadda Gabiley. Waxaan sidoo kale u mahad naqayaa cid kastoo ka soo qayb qaadatay tartankani, iyo madashani” ayuu yidhi wasiirka ciyaaraha JSL.

Dhinaca kale tartan ciyaareedkan kubbada cagta ah oo loogu magac daray tartanka goboladda Galbeedka ayaa muddo afar todobaad ah ka socday garroonka kubadda cagta Mo Faarax stadium ee magaaladda Gabiley.

Waxaana intii uu socday ka qayb qaatay 14 kooxood oo ka kala socday goboladda Awdal, Gabiley, iyo Maroodijeex. Waxaana tartan ciyaareedkaasi maal gelisay dawladda hoose ee degmadda Gabiley, waxaana xidhitaanka tartankaasi ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/rashiid Caydiid Yaasiin.

Badhasaabka gobolka Gabiley Ckariin Aadan Xaaji Diiriye, maayarka Gabiley Maxamed Cumar Cabdi, guddoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Somaliland, iyo masuuliyiin kale oo ka socday wasaaradda iyo bahda ciyaaraha Somaliland.

Waxaana koobkaasi qaaday kooxda ka socotay komishanka maamul wanaaga, oo ay dhamaadkii wada ciyaareen kooxda Goodir. Gebagebadii xafladaasi waxaa halkaa abaal-marino iyo hadyado lagu gudoonsiiyay kooxdii guulaysatay iyo xubnihii ka dhex muuqday intii uu tartankani socday.