“Caqabadaha ina hor taagani Waxay yihiin cilmigii baddaha oo aynaan lahayn kamana faa’iidaysano khayraadkeena iyo …” Wasiirka Deegaanka JSL

0
121

 

diyaarye: khadar cabdi muuse

Waayadan danbe waxaynu aad u maqalnaa iyadoo si weyn loo hadal hayo dhibaatooyinka kaal duwan ee soo gaadhay deegaanka guud ahaanba Badd iyo berriba, gaar ahaana dhulka xeebaha ah ee qaar ka mid ah wadamadda Afrika ee Saxaraha ka hooseeya.

Waxaana la tilmaamaa in ay jiraan Maraakiib waaweyn oo ka socda wadamadda Wershadaha ka horumaray, kuwaasoo qaarkood ay Haamo sun ah ama qashinka wershadahooda ah in ay ku aasaan xeebaha wadamadda Afrikaana ah.

Wadankeenan Somaliland ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay dalalka halista ugu jira in maraakiibta dalalka wershadaha ka horumaray in ay qashin ku aasaan xeebihiisa, inkastoo aanan la cadaynin dhibaatadda arrintaasi.

Si dhibaatooyinkaasi wax looga ama looga hor tago ayaa wasaaradda wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhawaanahanba waxay waday qorsheyaal lagu diyaarinayo sidii loo samayn lahaa siyaasadda ilaalinta bed-qabka deegaanka Baddaha iyo xeebaha Somaliland.

Mashaaruucaasi oo diyaarintiisii ay hadda socoto waxaa wasaaradda gacan ka siinaya ururka midawga Yurub EUCUP-ka oo iyagu siyaasadani la bilaabay wasaaradda deegaanka Somaliland, isla markaana qayb weyn ka qaadanaya hawshaasi.

Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa horaantii bishani waxay magaaladda Hargaysa ka daah-furtay shir lagaga hadlayay diyaarinta siyaasada ilaalinta deegaanka Badda.

Waxaana kulankan oo daba socday kulamo hore ka qayb galay wasaarradaha ay wasaaradda deegaanka wada shaqaynta leeyihiin, jaamacadaha dalka qaarkood, ururada bulshada, shirkadaha ka ganacsada kalluunka, aqoonyahan iyo marti sharaf kale.

Wasiirka deegaanka Somaliland ayaa ugu horayn ka hadashay u jeedadda kulankaasi loo qabtay iyo sidoo kale marxaladihii kala danbeeyay ee uu soo maray, “Waxaynu kulankani u qabanay in aynu ka wada hadalno siyaasadda badda, ama wax allaale iyo wixii aynu is leenahay waad ku hagaajinaysaan baddaheena. Siyaasada aynu maanta halkan isugu nimid ee baddeena.

Waxaynu doonaynaa in aynu marka hore maalintii hore dedaal badan ayaa la geliyay, maantan waxaynu isugu nimid in dedaal kaloo fara badan la geliyao, oo la isla wada eego, tii horena waad ku mahadsan tihiin ka qayb galkeedii, tan maantana waxaanu idiinka fadhinaa inaad wax wanaagsan gelisaan, haddii aad wax ku daraysaan iyo haddii aad ka dhimaysaan ba, si ay inoogu shaqayso siyaadadu”ayay tidhi wasiir Shukri Baandare.

Wasiir Shukri Baandare, ayaa sheegtay inay mihiim tahay sidii tallada la isugu geyn lahaa helitaanka siyaasad meel mara, oo lagu maamulo lagu na soo saaro khayraadka badda, maadaama oo ay Somaliland leedahay xeeb aad u dheer oo lagu qiyaaso 850 KM. waxaanay wasiirku sharaxaad ka bixisay siyaabaha kala duwan ee Badda looga faa’iidaysto iyo sida ay bulshadeenu ugu qatan tahay ama uga faa’iidaysan khayraadka baddaha.

Waxaanay tidhi “Somaliland badeedu 850 kor ayay u dhaaftay waana xeeb dheer, isweydiintu waxa ay tahay xeebtaasi dheer ee aynu leenahay maka faa’ideysana sidaynu uga faa’ideysana? Maxaa caqabado ah ee ina hortaagan? Ee aynu uag faa’iidaysan waynay.  Dhinacyo badan in laga eego ayay u baahan tahay, Marka laga hadlayo dhaqaalaha buluuga ah maka faa’ideysana? Maya sababtoo ah siday tahay ugama faa’iideysano.

Imika saddex caqabadood ayaa had iyo jeer ina hor taagan, ta u horaysaa waxa weeye, cilmigii baddaha ma leenahay, ma haynaa aqoontii badda. Ta labaadna waxa weeye, ma ka faa’iidaysanaaa khayraadkii ku jiray, sida ay tahay ma uga faa’iidaysanaa. Kalluun hadii ay tahay, iyo wax kastoo khayraad ah maka faa’iidaysanaa. Ta saddexaadna waxa weeye, war ma u haynaa maraakiibta maraya baddaeena, oo uu ku yaallo marin biyood caalami ah, maraakiibta maraysa ma kaantaroolnaa, ma se og nahay suntan iyo qashinka ay ku qubaan baddaheena”.

Geesta kale waxay wasiirku ka warbixisay noocyadda suntan ama qashinka la keeni karo ama ay maraakiibta shisheeye ku aasaan xeebaheena, maadaama oo ay jiraan maraakiib fara badan oo si sharci ah iyo si sharci la’aanba ah u jooga baddaheena.

“Waxa ugu yari waxa weeye biyaha lagu dheeli tiro miisaanka socdka markabka ee uu bariga Aasiya ka soo qaado halkee ayuu ku shubaa? Maraakiibta aynu sharciga siinay iyo kuwa bilaa sharciga ku joogaa sidee ayay uga kalluumaystaan baddaheena? Ma xaalufiyaan? Shebega loo tuurayaa ma xaalufiyaa kaluunkeenna, oo ma nooca keliya ee in ay qaataan aan u ogol nahay ayay qaataan.

Shirkadaheena waaweyn ee imika baddaha ka shaqeeyaa, iyo dadkeenuba ma hayaan qorshe istaraatijiyadeed, ma u hayaan ama ma sameeyeen daraasado ay doonayaan in ay hore ugu mariyaan ganacsiga? Marka kalluunka la soo qabanayo doontu ma leedahay qaboojiye, iyo marka magaaladda la keenaba? Darasaad Malaga sameeyay waxaasi oo dhan?

Adduunyada maanta khayraadka ayaa la isku dhaafay, beriga iyo ka badda, kii bariga waynu hayna, balse ka bada oo aynaan sidii la rabay uga faa’iidaysan, waxaynu u baahan nahay in sharcigaa ama siyaasadda aynu maanta samaynay ee ina hor yaalla oo aynu Af-Soomaali u bedeli doono, ama u turjumi doonaa. Laakiin, ka qayb galkiisa iyo inta aad ka fahamtaan ba in aad gelisaan.

EUCUP-ka oo iyagu siyaasadani nala bilaabay waan u mahad celinaynaa, oo iyagu qayb weyn ka qaatay qoraalkiisa, iyo isku habayntiisa iyo isku duba ridkiisaba qayb weyn ka qaadatay, aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa, aynu xooga saarno, oo sharciga aynu maanta u fadhino aynu ku dhaqano, cidkasta oo sharciga ilaalinta badaha Somaliland qayb ka qaadatayna waanu u mahadcelinaynaa” ayay tidhi wasiirka deegaanka JSL.