Dad ka Badan 90 Qof oo lagu Dilay Deegaanka Gaza

0
87

Ugu yaraan 90 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, duqeyn culus oo ay ciidamada Isra’il shalay ku bartilmaameedsadeen teendhooyin ay ku noolaayeen dad rayid ah oo ku yaalla deegaanka Al-Mawasi ee koofurta Gaza.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in goobta la weeraray ay aheyd meelahi ay horay Isra’il ugu asteysay in ay ammaan yihiin oo ay u ku nabad gali karaan dadka laga soo daad gureeyay deegaanno ka tirsan bartamaha iyo koofurta Marinka Gaza.

Millatariga Isra’il ayaa weerarka ku sheegay mid ay ku beegsadeen taliyaha milatariga Xamaas, Maxammed Deyf iyo abaanduulaha labaad ee Xamaas Rafa Salama. Hase yeeshee goor danbe oo shalay ah ayuu ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu sheegay in aanay wali hubin in weerarka ay ku dileen Maxammed Deyf iyo Rafa Salama.
Xamaas ayaa diiday sheegashada Isra’il ee ah in goobta la duqeeyay uu joogay Deyf, iyaga oo arrintaasi ku tilmaamay sheeko been abuur ah oo la rabo in kaliya lagu qariyo baaxadda xasuuqii foosha xumaa, sida ay hadalka u dhigeen.

Waaxda caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in meydadka ilaa iyo hadda laga helay teentooyinka la duqeeyay ay gaarayaan 91 qof, halka dhaawaca uu kor u dhaafay 300. Khasaaraha weerarkaan ayaa lagu sheegay kii ugu xooganaa oo ka dhaca Gaza todobaadkan.

Weerar kale oo cirka ah oo ay Isra’il Sabtidi ka fulisay xero qaxooti oo ku taalla galbeedka Gaza, ayaa waxay ku dishay ugu yaraan 20 qof, kaddib marki madaafiic lagu garaacay hool lagu dukanayay galbeedka maagaalada Gaza.
Dowladaha, Jordan, Masar, Qatar, Sacuudiga, Turkey iyo Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weerarki lagu hoobtay ee Al Mawassi ee ay shalay ciidanka Isra’il ka fuliyeen koofurta Gaza.

Dagaalka ay Isra’il ku qaadday Gaza oo hadda 10 bil jirsaday ayaa billowday, waxyar kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il, halkaas oo ay ku dhishay in ka badan 1,000 Isra’iiliyiin ah boqollaal kalana soo qafaasheen.

Isra’il ayaa iyaduna duullaanka ay wali ka waddo Gaza ku dishay in ka badan 38 kun oo ruux oo Falastiiniyiin ah.