Gabadh Yar oo Hooyadeed u soo Dirtay Fariin sababi Gaadhay Geerideeda iyo Hooyadeed oo Bulshada Fariin Qaraqana u Dirtay

0
80

Hargeysa (Dawan) Waa 17 jir ay iska dhalleen aabe Somaliland jiida hore ugu jira difaaca dalka isla markaana wade ka ah mid ka mid ah Kaarayaasha difaaca Qaranka ugu jira furimaha iyo Hooyo dhar maydhayka xaafadaha bariiska ugu soo saarta caruurteeda, waxaanay muddo sagaal bilood ah u xidhan tahay Magafaha Liibiya oo ku xujeeyay lacag dhan 22 kun oo dollar, taasi oo waalidiinteedu aanay awoodin.

Qofka aan ka hadlayaa waa Xamda Muxumed Dhidar oo gacanta ugu jirta Liibiyaan ka tagay naxariista dadnimo iyo mid muslinimo ba, waxaanu si joogta ah ula wadaagaa Hooyadeed muuqaalo aan qof dariim lihi daawan karin oo inta uu meel kasoo laadlaadiyo xadhkona ku xidho waliba garaacna ugu daro, oo ay gabadha yari ku qaylinaso hooyo meesha iga saar, muslimiintoow iga badbaadiya meeshan.

Aabaha dhalay Xamda afkii baa juuqda gabay oo aamus bay kaga dhagtay markii wax uu sameeyo uu garan waayay, lacagtaa aadka u badana uu tahli kari wayaay.

Hooyo Maryan Yoonis Bader, dusheeda ayaad ka daalacanaysaa diifta iyo dar xumada ay baday walaac iyo war warka joogtada ah ee ay ku hayso inanteeda gacanta ugu jirta bahalaha dad u e’kaha ah, waxaana xanuun ku riday muuqaalada joogtada ah ee ay la soo wadaagayaan iyada oo uu ku samaynaya ficilo ka baxsan bani’aadantinimada.

Hooyo Maryan waxa ay ka codsanaysaa dhammaan Ummadda Muslimka ah in laga soo taageero sidii inanteeda looga sii dayn lahaa gacanta dad u e’kaha ay malkadiisa ku sugan tahay.

Haddaba walaal ciddii ILLAAHEY dartii wax ula baxaysa hakala xidhiidho telefoonada 063-4192835 AMA 065-4192835