“Baanka JSL iyo Wasaaradaha Ganacsiga iyo Maaliyada Waxa u Taal Howl”

0
57

Qore Mawliid Aadan Cumar

Hayadaha Dhaqaalaha Dalka oo ah Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Wasaarada Maaaliyada iyo Wasaarada Ganacsiga iyo Guud ahaan Ganacsatada Somaliland waxaan leeyahay dhaqdhaqaaqii lacagta Somaliland ee Noodhadhka ama noocyada lacagtu wuxeu marayaa heer ay bulshada Somaliland ilowda ba in lacag Kaash ah lays waydiiyo ama wax lagu kala iibsado.

Hadaba ujeedada mowduucani oo ah in guud hayadaha dhaqaalaha dowlada iyo ganacsadatada Somaliland ay wadajir u qabtaan barnaamij ah kor u qaadista isticmaalka lacagta kaashka ah.

Sidaasi awgeed waxaan u soo Jeedinayaa Gudoomiyaha Baanka Somaliland inuu diyaariyo Barnaamijkaasi oo muhiim ah wakhtigan qabashadiisu, sababtuna waxay tahay waxa maalinba maalinta ka dambaysa ama sanadba sanadka ka dambeeya yaraanaya isticmaalka lacagta kaashka ah waxaana sababay (Isticmaalka lacagaha Eleltarooniga ah) oo ah nidaam dhaqaale iyo xawaaladeed oo mideeya dhamaan dadka afka Soomaaliga ku hadla.

Hadaba waxa lama huraan ah inaan iftiimiyo tilmaamaha saxda ah ee ka qayb qaadanaya kor u qaadista isticmaalka lacagta kaashka ah.

  1. Waxa waajib sharciya ah in Wasaarada Maaaliyadu ku qaado cashuurta Dowlada lacag Kaash ah waana Talaabada kowaad ee kor u qaadista Dhaqdhaaqa lacagta .
  2. Wasaarada Maaaliyada iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowlada waxa waajib ku ah inay mushaharka Dowlada ku bixiyaan Lacag Kaash ah sida uu qeexayo Qodobka (13) ee Dastuurka Somaliland.

Intaasi waxaan ku darayaa waxan leeyahay Madaxwaynaha Baananka Somaliland oo ah Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland kor u qaadista isticmaalka lacagta kaashka ah waxa mugwayn ku leh Baananka Gaarka ah iyo Xawaaladlayaasha Dalka Somaliland.

Qodobka aan kusoo koobayo Talo soojeedintan waxa weeye qofkasta oo muwaadin ah waxa waajibku ah inuu ka qayb qaato daryeelka Isticmaalka Shilinka Somaliland

Qore Mowliid Aadan Cumar Hargaysa