Booliiska Kenya oo soo saaray Digniin la xidhiidhta Dibadbaxyada

0
70

Booliska dalka Kenya ayaa mamnuucay bannaanbaxyada ka dhaca magaalada Nairobi iyo duleedkeeda, waxa ayna damaanad qaadeen ammaanka goobaha dibadbaxyada.

Bayaanka oo soo baxay 17-kii July, 2024-ka, ayaa shacabka lagu xusuusiyay doorka muhiimka ah ee waaxdu ku leedahay amniga dalka sida uu qabo dastuurka Kenya.

War saxaafadeedka ayaa intaa ku daray in ay booliiska heleen xog ku saabsan in qaar ka mid ah kooxaha dambiilayaasha ah ay qorsheynayaan in ay si khaldan u adeegsadaan mudaaharaadka maanta oo Khamiis ah.

Shacabka ayaa laga codsaday in ay ka taxadaraan meelaha ay dadku ku badan yihiin, in ay la shaqeeyaan booliiska iyo in ay bixiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta ka hortaga dambiyada.

Bayaanka booliiska ayaa ku soo iyadoo dalka Kenya ay wali ka socdaan dibadbaxyada billowday bishii June, kuwaasoo looga soo horjeedo sharciga maaliyadda ee 2024-ka.