Madaxwaynaha Waxaan uga Mahad-Naqaynaa Fursadda uu Dhalinyaradda Siiyay si ay Xilalka Qaranka u Qabtaan..”

0
155

 

Qore Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Habane ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ku Bogaadiyay ugana mahad naqay fursadda uu dhalinyarada waddanka siiyay si ay xilal uga qabtaan qaranka, qaybna uga noqon lahaayeen hogaanka dalkooda.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Habane waxa kale oo uu sheegay in Xisbiga KULMIYE uu horumarka ku gaadhay horumarinta dhalinyarada Somaliland, dhisidda iyo horumarinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Habane waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo higsanaya himilada qaranka Somaliland higsanayay muddada ka badan 30-ka sannadood uu maanta ka dhabeeyay isla markaana iftiinkeedii muuqdo dhawaanna uu hirgeli-doono.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasibad xisbiga KULMIYE ku qabsaday magaalada Hargeysa, waxa hadaladiisii ka mid ahaa “

Xisbiga KULMIYE waxa uu ku caano maalay, kuna horumaray waa dhisitaanka iyo horumarinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Kulmiye waxa uu mar walba garab taagan yahay sidii uu isugu wadi lahaa dhalinyaradiisa, cuqaashiisa, waxgaradkiisa, culimadiisa, waayeelkiisa iyo shacabiga Somaliland uu isugu wadi lahaa.

Kulmiye marnaba kama taliyo hagardaamada dadkiisa iyo dalkiisa, waad ogtihiin oo xisbiyo badan oo ka jira dalkeena sida aanay isigu aragtida iyo isku fekerka uga hayn hiigsiga himilada dalkeenu higsanayay in ka badan soddon sannadood, taas oo maanta midho-dhalkeedii inoo muuqdo.”

Wasiirka Wasaarada Horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Habane waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE u taagan yahay dhiiri-gelinta iyo horumarinta dhalinyarada reer Somaliland, waxaanu yidhi “Xisbiga KULMIYE mar walba waxa uu dhiiri geliyaa dhalinyarada reer Somaliland, taas oo ay markhaati u tahay in dadka maanta xilka ka haya dalka ay boqolkiiba sagaashan yihiin dhalinyaro, hadday tahay wasiirro iyo xilalka kale ee dalka, xisbiga Kulmiye himiladiisu maaha, Cay, Aflagaado, xiqdi iyo kala qaybin, laakiin xisbiga KULMIYE himiladiisu waxa weeye, walaalnimo, Midnimo iyo qaranka Somaliland oo midaysan, xisbiyada dalka oo dhami xay bay u leyiihiin in ay hogaamiyaan dalka laakiin waxa lagu kala duwan yahay himilada iyo higsiga madaxda hoggaaminaysa.”

Wasiirku waxa uu sheegay in qaranka Somaliland uu maanta marayo halkii ugu saraysay marka loo eego indha beesha caalamku inagu eegayso, balse rag madax ah oo dano gaar ah lehi aanay raali ka ahayn, waxaanu yidhi “Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland maanta waxa uu taagan yahay halkii ugu sarraysay marka loo eego aragtida beesha caalamka, laakiin rag badan oo madax ah oo dano gaar ah leh ayaan arrintaa ku faraxsanayan. Mar labaad iyo mar saddexaad ba waxaan uga mahad naqayaa Madaxweynaha Somaliland oo dhalinyaro ahaan fursad aanaan hore u helin noo siiyay in aanu ka mid noqono hogaanka iyo madaxda dalka, isla markaana aanu xilal sar sare ka qabano qarankayga.”