Nin 42 Saacadood ku Xayirnaa Wiish oo ka sheekeyay argagax iyo naxdin uu la kulmay

0
54

Nin ka soo jeeda gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya, ayaa 42 saacadood ku xayiranaa wiish gudaha isbitaal halkaasi ku yaalla isaga oo aan haysan wax cunto iyo biyo ah, waxaana uu BBC-da u sheegay in uu ka cabsi qabay in uu halkaas ku dhinto.

Ravindran Nair, oo 59 jir ah, ayaa wiishka u galay ama u raacay si uu ula kulmo dhakhtar galabnimadii Sabtidii aan ka soo gudubnay – ka dibna waxa uu halkaa ku xayirnaa ilaa subaxnimadii Isniinta, kadib markii ay halkaa gaareen farsamayaqaanno qaabilsan cilad bixinta wiishka. Hadda waxa uu ku jiraa isbitaal, waxaana laga daweynayaa fuuqbax iyo dhabar xanuun.

Xubnaha qoyskiisa ayaa markii hore u maleeynayay inuu shaqo jiro, balse markii dambe waxay la xidhiidheen booliiska oo waxay bilaabeen baadigoob.

Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo gudaha Hindiya, taasoo keentay in dowladda gobolka ay shaqada ka joojiso saddex farsamayaqaan ah oo ay baadhitaanna ku sameyso. Saraakiisha kuliyada caafimaadka dowladda, iyo wasiirka caafimaadka ee gobolka ayaa raaligelin siiyay Mr Nair.

Mr Nair ayaa BBC-da u sheegay in markii uu ku xayirmay gudaha wiishka uu isku dayay in uu waco nambarka deg dega ah ee ku qoran wiishka, balse wax jawaab ah maanu helin. Waxa uu sidoo kale isku dayay inuu waco xaaskiisa Sreelekha oo ka shaqeysa isbitaalka uu go’doonka ku galay, iyo “qof kasta oo maskaxdiisa ku soo dhacay “, laakiin wicitaanada ma suurta gelin Khadka oo xumaa awgeed.

“Waxaan bilaabay argagax, waxaan bilaabay inaan garaaco albaabada wiishka si aan dareenka dadka u soo jiito. Taasi waa markii uu telefoonkaygu dhulka ku dhacay oo uu joojiyay shaqadii,” ayuu yidhi.

“Waan qeyliyay oo waxaan dalbaday caawimaad, waxaana isku dayay inaan albaabada wiishka ku kala riixo gacmahayga, gudaha wiishku mugdi ayuu ahaa laakiin, waxaa jirtay hawo igu filan oo lagu neefsado,” ayuu yidhi Mr Nair.

Intaas kadib waxa uu sii waday dadaalkiisa ku saabsan wiishka iyo raadinta fursad uu kaga bixi karay, isaga oo mar kale riixaya gambaleelka digniinta, oo rajaynaya in ay dadku maqlaan shanqartiisa, laakiin mar kale ayuu ku guuldaraystay arrintaa.

Wuxuu sheegay in markii uu halkaa ku jiray saacado badan ay arrintaas keentay inuu kala garan waayay habeen iyo maalin midda ay tahay.

“Saacaduhu way socdeem, wax fikrad ah kama haysan habeen iyo maalin midda ay tahay tahay, maadaama aan mugdi ku jiray. Markii aan daalay, waxaan seexday meel gees ah,” ayuu yidhi.

Mr Nair ayaa sheegay in uu bilo ka hor bilaabay in uu si joogta ah u booqdo isbitaalka kadib markii uu ku dhacay suuliga oo uu dareemay xanuun dhanka dhabarka ah.

“Sabtidii, aniga iyo xaaskeyga waxaan u tagnay inaan la kulano dhakhtarka, waxaana la iga qaaday scan raajada dhabarka sababtoo ah waxaan dareemay xanuun daran,” ayuu yidhi mar uu ka hadlayay xaaladdii uu wajahay Nair.

Markii uu dhakhtarku codsaday inuu arko natiijada baadhistii hore ee dhiiggiisa, wuxuu Mr Nair ogaaday inuu guriga ku so ilaabay. Maadaama xaaskiisa Ms Sreelakha ay ku qasbaneed inay shaqada iska xaadiriso, Mr Nair wuxuu aaday guriga si uu u soo qaato natiijada.

Caadi ahaan marka uu isbitaalka booqdo isaga iyo xaaskiisa waxay isticmaalaan wiish loogu talagalay shaqaalaha. Laakiin markan wuxuu soo galay oo uu raacay wiishka-11 – oo loogu talagalay bukaannada iyo dadka ballamaha leh – si uu ugu sii gudbo dabaqa labaad.

“Waxay ahayd duhurnimadii markaas. Cid kale kuma jirin wiishka, laakiin iftiinku wuu shidnaa oo waa uu shaqeynayay, marka uma malaynayn inay wax khaldan yihiin,” ayuu yidhi Nair.

Badhankii ayuu taabtay wiishkiina waxa uu bilaabay in uu kor u kaco laakiin markii uu dabaqii labaad ku soo dhawaaday ayuu hoos ula soo noqday oo uu ku dhegay dabaqa koowaad iyo labaad dhexdooda. Markaa maanu ogayn in saacado badan uu ku qaadan doono gudaha wiishka.

Ravindran Nair wuxuu sheegay inuu haystay kaniini si uu dhiigiisa u xakameeyo, maadaama uu argagax galay oo uu aad u naxay.

“Waan haystay kaniini, laakiin ma liqi karin sababtoo ah biyo ma haysto, afkaygu wuu engegay qaylo dhaan darteed” ayuu mar kale yidhi Ravindran Nair.

“Waxaan bilaabay inaan is weydiiyo inaan ku dhex dhiman doono wiishka iyo in kale, waxaan ka walwalay xaaskeyga iyo carruurteyda, waxaana ka fikiray waalidkii iyo awoowayaasheydii dhintay. Laakin, si uun ayaan nafteyda ugu sheegay in aana is dhigan, waxaana naftayda u sheegay inaan ka gudbayo dhibaatadan cabsida leh. ”

“Waxaan ku adkaystay rajada ah in qof ii iman doono si uu u hagaajiyo wiishka oo uu halkaas iiga soo saaro.”

Intaas kadib Nair caawimaad ayuu helay subaxnimadii Isniinta abbaare lixdii wakhtiga maxaliga ah markaas oo qof farsamayaqaan ah uu albaabka ka furay oo uu ka codsaday inuu ka soo baxo, 42 saacadood ka dib.

Markii la soo badbaadiyay Mr Nair, waxa ugu horeeyay ee uu sameeyay waxa ay ahayd in uu wacay xaaskiisa, iyada oo aan wax war ah ka haynin ninkeeda oo maqanaa saacado badan, kuna xayiranaa goobteeda shaqo.