Pakistan oo jawaab ka dalbatay Taliban kadib weerar dhimasho keenay

0
73

Pakistan ayaa Arbacadii cabasho rasmi ah u gudbisay xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan ka dib weerar ay dhowaan kooxo xagjir ahi ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taal waqooyiga galbeed ee dalkaasi, waxaana halkas ku dhintay ugu yaraan 8 askari, halka ay tiro kalena ku dhaawacantay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistasn ayaa sheegtay in ay u yeedhay danjire ku xigeenka safaaradda Afqaanistaan ee fadhigeedu yahay magaalada Islamabad si ay u gaadhsiiso qoraal diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo ku saabsan weerarkii subaxnimadii Isniinta ka dhacay magaalada Garrison ee ku taalla Bannu.

Bayaanka ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta Taliban inay “si buuxda oo degdeg ah u baadhaan, isla markaana ay tallaabo adag oo wax ku ool ah ka qaadaan cidii ka dambaysay weerarkaasi”.

Milatariga Pakistan ayaa sheegay in 10 nin oo aad u hubeysan inay fuliyeen weerarka Bannu, dhamaantoodna lagu dilay dagaal saacado qaatay oo dhexmaray ciidamada ammaanka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in ragga weerarka geystay ay xulafo la ahaayeen kooxda argagixisada ah ee loo yaqaan Tehrik-i-Taliban Pakistan, ama TTP, oo fadhigeedu yahay Afgaanistaan, isla markaana soo abaabula weerarada xudduudaha.