Wakaalada Biyaha Hargaysa oo Ku Guulaysatay Mashaariic ay Taran u Galeen 54 Wakaalad oo Adduunka ah

0
161

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Wakaalladda Biyaha Hargaysa ayaa ku guulaysatay mashaariic ay tartan u galeen in ka badan 54 wakaalad biyood oo ka kala socda daafaha dunida, kuwaasi oo aqoonsi buuxa ka haysta caalamka balse Somaliland oo aan wali helin fursada aqoonsiga ayaa kaalmaha hore ka gashay tartankan ay dunidu ku hirdamaysa.

Sidoo kale wakaallada Biyaha Hargaysa ayaa xidhiidho kala duwan la samaysay wakaaladaha biyaha ee geeska Afrika iyo guud ahaan ba kuwa caalamka, waxaanay ka wada shaqaynayaan ama ay iska kaashanayaan baadhita biyaha ceelasha qotada dheer iyo hawlaha muhiimka ah ee dhinaca biyaha.

Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa sidoo kale ku biirtay Ururka Caalamiga ah ee Biyaha (International Water Association), kaas oo ah Ururka ugu balaadhan dunida ee dhinaca biyaha , xaruntiisuna ay tahay Waddanka Ingiriiska sidoo kale waxa ay wakaaladda Biyaha Hargaysa ka mid noqotay Ururka Wakaaladaha Biyaha ee Caalamiga ah (GWOPA) , kaas oo xaruntiisu tahay magaalada Bonn ee Waddanka Jarmalka.

Xidhiidhadan caalamiga ah ee ay wakaaladda Biyaha Hargaysa samaysay ayaa waxa ay u sahli doonaa inay xidhiidh la yeelato dhamaan hay’adaha biyaha ee caalamiga ah, sidoo kale waa fursad balaadhan oo aqoon korodhsiga wax weyn ka tari doonta , maadaama uu Ururkani yahay ka dejiya halbeegyada caalamiga ah ee dhinaca biyaha.

Sidoo kale waxay Wakaaladdu ka qeyb geli kartaa dhamaan shirarka caalamiga ah ee lagaga hadlayo arrimaha biyaha ee ka qabsooma dalalka caalamka.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargaysa Maxamed Cali Daarood ayaa ka warbixiyay tartankan ay u galeen mashaariicda ay ku tartamayeen wakaaladaha biyaha dalal aad u tiro badan oo ka kala socday wadamo kala duwan ayaa sheegay inay guul ka gaadheen tartankaasi, isla markaasina ku guulaysteen mashaariic biyood oo muhiimad wayn u leh shacabka Caasimadda Hargaysa waxaanu yidhi “waxaanu u aragnay in ay muhiim tahay in wakaaladdu ku tartanto mashaariicda khuseeya biyaha ee sida furan loo soo xayaysiiyo, wakaaladu waxay ilaa hadda ku tartantay laba mashruuc, mashruuca koowaad waxa ku tartamay 140 codsi oo codsigii kastaaba uu ka kooban yahay laba Hay’add biyood oo kal wayn ama ka badan laba Hay’add biyood oo iyagu markaasi samayn doona inay kala badashaan khibradaha.

Wakaaladda biyaha Hargaysa waxa ay nasiib wanaag tartan kadib ay ka mid noqotay 22 codsi ee guulaystay, waana ta keentay mashruucaa faa’iidooyinka badan u dhaliyay wakaaladda biyaha Hargaysa ee ay is kaashanayaan Hay’adda biyaha iyo faya-dhawrka Yugaandha iyo wakaaladda biyaha Hargaysa, mashruucaasi oo socon doona muddo sade sano ah.

Dhawaan waxa ay wakaaladda biyaha Hargaysa ku tartantay mashruuc ay ku tartameen 54 Hay’add biyood, nasiib wanaag wakaaladdu waxa ay ka mid noqotay sadexdii Hay’add biyood eek u guulaytay marshuuca ay ku tartameen 54-ka Hay’add biyood”.