Wasiir Buuni oo Jawaab Ka Bixiyay Hadallo uu Jeediyay Murrashaxa Madaxwayne ee Xisbiga Wadani

0
62

Hargaysa (Dawa) Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasi Muxumed Xasan Buuni ayaa ka jawaabay eedayo uu mursahaxa madaxwayne ee Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro u jeediyay gacansatada dalka, waxaanu wasiirku tilmaamay in ay ganacsatadu yihiin halbawlaha iyo cashuur bixiyayaasha koowaad ee dalka, waxaanu sidoo kale tilmaamay inay aanay gayin in la aflagaadeeyo ama si badheedh ah loo eedeeyo.

Dhinaca kale wasiir Buuni ayaa raaligalin ka siiyay eeda uu u jeediyay Murashaxa madaxwayne ee Wadani, waxaanu ku dheeraaday kaalinta ay Qaranka kaga jiraan ganacsatada dalku iyo halka ay kala soo bilaabeen dhismaha iyo dawladnimada dalka, sidoo kale waxa uu tilmaamay inay yihiin ganacsato dalkooda jecel oo Qarankooda wax ku ah.

Waxaanu wasir Buuni ku baraarujiyay Cabdiraxmaan Ciro in doorashooyinka uu hadda sugay ee uu ku taamay in laga maalgalinayo cashuurta ganacsatada uu eedaha u jeedinayo, kuna durayo ganacsigooda, waxa kale oo uu wasiirku xasuusiyay murashaxa Ciro in ganacsatadu ay yihii kuwii ka bixiyay magtii Ciidankii lagu laayay Buurta Gacan Libaax waxaanu yidhi

“Dalkani waxa uu ku socdo iyo doorashada aad sugaysaba waxa laga maalgalinayaa waa cashuurtii ganacsatada waana miisaaniyadda Qaranka, markaa in aad maanta lagaadayso, Somaliland oo dhan baad soo dhamaysay mudadaa xisbigaagu jiray oo maalinba heer iyo maalinba cid gaar ah aad wax kasoo sheegayseen oo anigu waxan is lahaa ciidamadii Qaranka ayaa u danbayn doona wax ay gaystaane, maantana ganacsatadii ayaa timi.

Waxan xasuusinaynaa Cabdiraxmaan iyo xisbigiisa iyo shacbiga Somaliland ee hadalkaa maanta maqlay, ganacsatada Somaliland waa kuwii kaa bixiyay magtii maalintii dhawad wasiirka Daakhilugu gudoonsiiyay eheladii ciidamadii Qaranka ee aad buurta ku layseen ee aad adigu amarkeeda lahayd”.