Wasiirka Kalluumaysiga iyo Xeebaha JSL, oo Kormeeray Jaamacadda Culuumta Badda ee Berbera

0
153

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Berbera (Dawan) Wasiirka wasaarada kaluumaysiga iyo Horumarinta xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Warsame Jaamac iyo wefti uu hogaaminayo oo safar hawleed shaqo ku joogay magaalada Berbera ayaa booqasho ku tegay xarunta Jaamacada Culuumta Badda.

Halkaasi waxa ku soo dhaweeyay wasiirka Gudoomiyaha Jaamacada Culuumta Badda Berbera, wuxuna warbixin dheer ka siiyay xaalada guud ee Jaamacada iyo horumarka laga sameeyay barashada culuumta badda ee dalka oo wax weyn ka tari doonta sidii loo horumarin lahaa khaayraadka baddeena, iyadoo wasaarada kaluumaysiga iyo horumarinta xeebuhu xubin ka tahay guddida sare ee Jaamacada Culuumta Badda.

Wasiirka ayaa uga mahadnaqay Bahada iyo masuuliyiinta Jaamacada Culuumta Badda ee Berbera dadaalka weyn ee ka socda Jaamacada iyo doorka ay ka qaadanayaan aqoonta casriga ah ee ardaydeenu baranay si loogu dabaqo shaqooyinka badda, itaasi kadib waxa wasiirka iyo masuuliyiintu kormeereen qaybaha ay ka kooban tahay jaamacadu Culuumta Badda Berbera.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Somaliland ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin sidii loo horumarin lahaa cilmiga iyo xirfadaha was-soo-saar ee badaha, waxaanu ka dhawaajiyay inay ka xukuumad ahaan ku hawlan yihiin sidii loo heli lahaa suuq Kalluumaysatada Somaliland ay u iib gayn lahaayeen Kalluunka ay ka soo jilaabtaan badaheena.

Gebo’gabadii Kormeerkan booqashada ah ayaa waxa wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha guud ee wasaarada, masuuliyiiin ka mida wasaarada iyo gudoomiyaha gobolka saaxil iyo duqa degmada berbera, waxaany dhammaantood qireen inay jaamacadda Culuumta Badda Berbera aya ku talaabsatay horumar iyo kobcinta xirfadaha wax-soo-saar ee kheyraadka badaheena.