Magaalada Ceerigaabo oo laga bilaabay Olole lagula xisaabtamayo wadayaasha gaadiidka

0
75

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee gobolka Sanaag iyo ciidanka nabadgelyada waddooyinka ayaa magaalada Ceerigaabo ka bilowday olole socon doona muddo toddoba cisho oo lagula xisaabtamayo wadayaasha gaadiidka magaaladaasi.

 

Ololahan ayaa ujeedadiisu tahay dardargelinta shaqada ee wasaaradda iyo ogaanshiyaha islahaanshaha gaadhiga iyo dirawalka.

 

Taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka gobolka Sanaag taliye Xasan, ayaa sheegay in ololahani lagu hubinayo gaadiidka, bileydhadooda, lambaradooda, liisamadooda, wixii cashuuro ah ee baaqday iyo islahaanshaba buuga iyo dirawalka, waxaanu wadayaasha gaadiidka magaalada Ceerigaabo ugu baaqay inay sharciga isu soo dhiibaan si wixii ka dhiman loogu dhammeystiro, waxaa uu intaas ku daray in qofkii lagu qabto isaga oo jidka marinaya gaadhi banjara oo daawaha ku socda in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

 

Isu’duwaha wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ee gobolka Sanaag Xamse Cali Haybe, ayaa sheegay in ololahani socon doono muddo toddoba cisho ah, isla markaana ay eegi doonaan wixii sharcigoodu u dhammeystiran yahay iyo wixii uu qabyo yahayba, waxaanu bulshada faray inay ilaaliyaan jidadka laga hirgeliyay cashuurtii ay bixiyeen, waxaanu intaas raaciyay in ciddii ay ku qabtaan wax sharciga baalmarsan inay sharciyada horgeyn doonaan.