Qisaska: Deegaan Bedelashada Dadka Maxa Sababa?!

0
90

Dalka Japan dagaalkii labaad sanadkii 1945, marki la jebiyay ee Maraykanku uu hubka halista ah ku burburiyay magaaloyinka muhiimka ah, wax kastana uu baabiiyay haddana taasi kama dhigin dhamaadkiisa. Waxa uu bilaabay inu dadaalo ilaa uu dib ugu soo noqday dariiqa nolosha ee laga saaray.

Arrintaasi waxa keenay dadaalka iyo aqoonta ay kasbadeen, oo ka dhigtay kuwo ka faa’idaysta wakhtiga iyo awoodda dadkooda.  Wakhtigan Japan waa dalalka ugu hormarsan, dhinaca kalena waa dalka dadkiisa ka badan tahay niyad jabka iyo werwerku , kuwaasi oo aan ku qanacsanayn nolosha xaqiiqda ee ay haystaan.

Qisaska niyadjabka ee bulshadaasi waa kuwo cajaaib ah oo ay ku lamaan tahay naxdin iyo argagax. Nin lagu magacaabo Naoki Miyamoto, oo ka soo jeeda qoys dabaqada dhexe ah,  kana  shaqaynayay shirkadda nadaafadda ee dalka Japan, ayaa bishii August sanadkii 2002 , gurigiisa ka baxay si uu shaqada shirkadda u tago.  Waxase yaab noqotay in  Mr. Naoki aanay qoyskiisu mar danbe indho saarin , gurigana aanu ku soo noqon.

Qoyskiisu waxa ay isku dayeen in ay helaan raq iy ruux halka uu ku danbeeyay laakiin kama tegin wax muujinaya Meesha uu ku danbeeyay iyo talaabada uu qaaday midkoodna.

Mr.Tayoshi oo ah wiilka ay walaalaha yihiin ee ka weyn ayaa isku deyey in uu ogaado in dhibaato uu guriga kala kulmay iyo inuu jiro qof si xun ula dhaqmay Naoki , laakiin arinkaasi waxa uu ogaaday inu aanay jirin. Waxa uu isku qomameeyay in aanu xidhiidh la lahayn oo haddii uu jiri lahaa uu wax badan ka ogaan lahaa walaalkiisa 24 jirka ah, xaaladiisa iyo waxa sababay waayidiisa.

Hooyadii iyo aabbihii ayay murugo weyni ay ku haysay waayidiisa iyo su’aal maalin walba taagan oo laga weydiinayo masiirka wiilka iyo halka uu ka danbeey

Mar kasta oo waalidku weynaado, waxa ay ka baqayeen in qaddarku aanu mar danbe isu keenayn iyaga iyo wiilkooda, madaama iyagu laftigoodu ay xanuunada maskaxda wakhtiyada qaarkood asiibi jiray. laakiin haddana arinkaasi iyaga keli kuma ahayn ee qoysas badan oo Reer Japan ayaa sidaa caruurtooda uga quustay. Tayoshi wiilka ka weyni waxa uu mar kasta sawiranayay oo rajaynayay in uu helo fariin uga timi walaalkii Naoki.

In kasta oo ay dawladda Japan u aragto in qofkii maqnaa toddoba sano uu yahay mid si rasmi ah u dhintay, haddana Naoki hooyadii waa ay diiday in ay rumaysto waxaana  ay bil walba kaydinaysay lacag ay ugu talo gashay isaga, laakiin taasi waa mid ka mid riyada ay qabto iyo in aanay rumaysan Karin wiilka ka baxay isagoo caafimaad qaba in aan la hayn meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

Toddobaatameeyadii qarnigii la soo dhaafay, erayga (Johatsu) ama uumi-baxayaasha ayaa caan ka noqday dalka  Japan, waxaana lagu tilmaansan jiray dadka go’aansaday inay uumi-baxaan, nolol cusubna ka bilaabaan meelo kale oo ka tirsan Japan lafteeda. Tan iyo wakhtigaasi tirada uumi -bixiyaasha ayaa kordhay ilaa maanta ay gaadhay tobanaan kun.

Sannadkii 2017 -kii oo keliya, Booliiska Japan waxa ay sheegeen in tirada uumi -baxayaashu ay gaadheen 85,000, in kasta oo badankood dib loo helay, laakiin khubaradu waxa ay xaqiijinayaan in tiradu intaas aad uga badan tahay

Dhab ahaan, sababaha ku khasba qofka inuu qaato go’aankan halista ah weli si fiican looma garanayo, laakiin khubaradu waxa ay isku dayayaan inay wax ka bartaan oo fahmaan dhacdo jahawareer iyo baaxad weyn leh (uumi -baxa), iyagoo u daliishanaya dhowr sababood, oo ay ugu muhiimsan tahay habka nolosha Japan oo adag tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

 Waxaa jira eray Japaniis ah oo loogu dhowaaqo (sekenti), waxaana uu tilmaamaya ilbaxnimo qaab-dhismeedkeedu qalafsan yahay, dad badanna aanay awoodaan inay la jaanqaadaan oo ay la qabsadaan noloshaas ku saleysan muuqaalada, sidaa darteedna dareenka cadaadisku waa midka ugu badan sababaha ugu muhiimsan uumi-baxa deegaan ee aan naxariista lahayn.

Haddaba waxa lagha cadeeyay in dadka deegaankooda bedelanaya iyagoo aan qoysaskooda u sheegin ay sabab u tahay Dhaqanka bulshada Japan oo cadaadis saaraya qofka caadiga ah. Waxa qoyskoodu ka rabaan in inuu ku guulaysto shaqada, waxbarashada, guurka iyo arrimaha qoyska. Guuldarada ama isdhiibiddu waa arrin aad u xun oo ceeb ah dadka reer Japan. Arrimahaasi ayaa keena in qofku deegaankiisa ka uumi baxo oo dego deegaan kale oo aan laga aqoon, marka u uku fashilmo arrimahaasi, taasi oo u fudaudaynaysa in uu ugu yaraan ka qarsoomo ceebta bahdilka bulshada iyo qoyskooda. Waxaa laga yaabaa in qisada uumi-baxa deegaan ee  ninka lagu magacaabo Suji Muto ay daliil cad u tahay arrintaas.

Suji waxa uu ka soo jeeda qoys maalqabeen ah oo ganacsi balladhan leh, laakiin yaraantiisii ​​waxa uu dareemay in cadaadis iyo in wax kasta laga rabo inuu buuxiyo 100%, madaama uu yahay wiil caan ah oo Qoyskiisu maalqabeen yihiin. Suji wuxuu dareemay inuu cidhiidhi iyo diiqad ku dareemo agagaarka qoyskooda, sidaas darteed waxa uu go’aansaday inuu baxsado, isagoo xaaskiisa furay iyadoo markaa saddex carruur ah u haysay.

Suji waxa tegay deegaan cusub oo aan laga aqoon, waxaana uu ka bilaabay nolol ka hoosaysa tan uu qoyskooda kula noolaa, laakiin haddana noloshiisan cusub ay ugawanaagsan tahay noloshii wax kasta uu haystgay ee qoyskooda.

 

Waxa ku kelifayu in deegaan kale u baxsado isagoo u arkay in cadaadiska oo uu ku sii jiro ay ku qasbi doonto inuu nolosha xaaskiisa u rogo cadaab, madaama xidhiidhkooduna uu xumaa.

Laba sano oo baxsadaka ku jiray ka dib, Souji waxa uu tegay saldhigga booliiska si uu u cusboonaysiiyo liisankiisa. Markii ay arkeen waa ay garteen in isaga qoyskiisu raadinayaan oo aanay garanayn inuu nool yahay inuu dhintay .

Soji waxa uu go’aansaday inuu carruurtiisa kula kulmo goob nasasho oo bulshada ka dhaxaysa, laakiin go’aanka dib ugu noqoshada guriga dib baa loo dhigay ilaa iyo inta uu si fiican uu dareemayo inuu ka adkaaday dareenkii cadaadiska ahaa ee ku khasbay inuu baxsado isagoon qofna u sheegin deegaan kale ku ee degay kaasi oo ku keliufay uumi bax deegaan. Waxaana ay dad badan ku dhowaaqayaan “Caruurta iyo ubadka yaan lagu cadaadin oo lagu khasbin wax iyaga ka awood badan.  Dadku iska caqli maaha, isku karti maaha, iskuna fikir maaha”. Haddii kale halisa ka weyna ayaa u badheeyay.

Source (kabbos.com)