Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta oo Sheegtay in ay Tallaabo ka Qaadayso nin u Ban Baxay Aflegaadaynta Haweenka

0
60

 

Hargeysa(Dawan):- Wasaaradda diinta iyo Aw-qaafta Somaliland ayaa caddaysay in ay ku daba jirto isla markaana ay tallaabo sharciga waafafqsan ka qaadayso nin caadaystay aflegaadaynta haweenka oo la baxay daaci Saalax.

 

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland oo manta shir jaraa’id ku qabtay wasaaradda diinta ka dib markii ay u tageen haween ka cabanayay aflegaadada ninkaasi kula kacay haweenka  oo ay uga dacwoodeen wasaaradda diinta kana dalbadeen in sharciga la hor keeno.

Sheekh Yuusuf Cabdi Xoorre  oo ka mid ah culimada wasaaradda diinta iyo aw-qaaafta oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay maalmahanba ku daba jireen ninkaa la baxay daaci Saalax oo markasta ku kaca hadalo gef ku ah diinta islaamka iyo dhaqankeena suubban

Sheekha oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “(manta) shalay waxaa halkan noogu yimi hablhii reer Somaliland  waxaanay ka cabanayaan ninkaa la baxay Daaci Saalax. Ninkaa daaci saalax la yidhaahdo ee doodaha iyo muranka iyo dacwadaha ku jira eek u ceebeeya ee ka hadlaya hablaha arrimahooda isagoo naqaa’iis  iyo arrimo badan oo u uku dullaysanayo hablaha ayay dacdadiisa noo keeneen waanan ka afbalay waanay ku mahad sanyihiin arimahaa baraha bulshada galay ee meel walba lala taagan yahay waanu ka aqbalay sida ugu dhakhsana badan na waxbaanu uga qabanaynaa.”

 

Ninkana haweenku wassaaradda  Diinta iyo aw-qaafta ay ka soo dacweeyeen ayaa a hadla baraha bulshada isla markaana inta badan wax ka sheega haweenka oo si jees jees ku jiro dumarka u aflegaadeeya.