Dawlada Itoobiya oo Jawaab Adag ka Bixisay Ficilada Kicinta ah ee Soomaaliya

0
75

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Addis Ababa (Dawan) Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa jawaad cad ka bixisay weedhaha iyo ficilada kicinta ay ee soo noq nqoday ee ay ku kacayso dawladda Soomaaliya, waxaanay Itoobiya sheegay inay si dhaw ula socdaan ficil kasta iyo odhaah kasta oo ka soo yeedhay Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Af-hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa lagu sheegay inay dawladda Itoobiya ay si qoto dheer ula socoto dhaq dhaqaa iyo kicinta Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa waxa uu u dhignaa sida tan:

“War saxaafadeed”

“Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya wuxuu si dhaw ula socdaa weedhaha kicinta ah ee soo noqnoqday ee ka soo yeedhaya Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Si ka duwan eedaymaha aan salka lahayn ee Dawladda Soomaaliya, sodon sanno iyo dheeraad Itoobiya waxay si hagar la’aan ah ugu tafoxaydnayd ka shaqaynta xasilloonida iyo dawlad dhiska dadka walaalaha ee Soomaaliya oo ay u hurtay naf iyo maal. Itoobiya waxay aad uga xuntahay hadallada aan loo meel dayin iyo mas’uuliyad-darrada ay ku kaceen marar kala duwan madaxda sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay muhmal u galiyaan doorka togan ee Dawladda Itoobiya ku leedahay dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

Iyada oo maanka lagu hayo isku tiirsanaanta xooggan ee mandaqada, xidhiidhka dhaqanka iyo midka taariikheed ee ku dhidban dhiigga iyo dhidid wadaagga, Itoobiya waxay qaadatay in aanay dheg jalaq u siin eedaymaha marin habowsan ee ka soo burqanaya madaxda Soomaaliya.

Itoobiya oo ay u muuqato dawdarrada eedaymaha qaawan ee lala daba socdo, waxay haddana door bidday in ay qaaddo hillinka samirka, qalqaalada togan iyo baxnaannada danta guud ee dadkeena aan marnaba kala maarmayn.

Itoobiya waxay hoosta ka xariiqaysaa walaaca qotoda dheer ee ay ka qabto ka ganacsiga hubka fudud ee ku soo qulqulaya Geeska Afrika. Loollanka colaaddeed ee ka aloosan xeebaha iyo sidoo kale xuduudaha aan amnigooda gacanta lagu hayn, waxaa lama huraan ah in ay dalalka gobolku isku dubariddaan dadaalkooda ku aaddan la dagaallanka dambiyada noocan ah.

Itoobiya waxay jeceshahay in ay ku celiso ku kakanaanteeda la dagaallanka argagixisada iyo fiditaanka qoryaha yar yar ee sharci darrada ah, hubka fudud iyo walxaha qaraxyada loo hannaaniyo.

Itoobiya waxay sii wadi doontaa isbarbartaagga walaalaha Soomaaliya si loo xaqiijiyo hiigsigooda ah helitaanka nabad waarta, xasillooni, horumar dhaqaale iyo iskaashiga gobolka”.