Dhibta Qabatinka Caadooyinka Khariban!

0
76

Gabadh 22 sano jir ah oo ka soo jeeda deegaanka Denver ee dalka Maraykanka ayaa lagu xukumay 19 sano oo xadhig ah federaal ah taasi oo loo heysto lix budhcadnimo oo bangiyada dalka ka dhacay, iyagoo qaarkoodna ay ahaayeen kuwo loo adeegsday hub (budhcadnimo hubeysan).

Jenifer Adriana Lopez-Ramirez waxa lala xidhiidhiyay laba dhac oo lagula kacay bangi,  ka dib markii la xidhay iyadoo looga shakiyay afar tuugo oo hore oo bangiyada lagu dhacay, sida laga soo xigtay xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka, ee Degmada Colorado, oo warkaasi baahiyay.

Gabadha Lopez-Ramirez bishii 19kaMay, sanadkii 2019,  waxa ay dhacday Bangiga First Citizens, iyadoo u dhiibtay lacag bixiyaha warqad dalab, ka dibna kala  carartay lacag caddaan ahayd, taasi oo ku cad qirashadeeda.

Qiyaastii 90 daqiiqo ka dib, waxa ay haddana dhacday Bangiga UMB, 8190 S. University Blvd., Centennial, iyadoo ku hubaysan qoriga.

Bishii May 9, 2019, waxa ay dhacday Bangiga First Bank, 8901 E. Hampden Ave., Denver, iyadoo adeegsatay warqad dalabka lacagta laakiin ma ay hubaysnayn. Laba maalmood ka dib, Lopez-Ramirez waxa ay dhacaday Bellco Credit Union, 3890 Quebec St., Denver. Lopez-Ramirez ayadoo hubaysnayd waxaana uu noqday lacag bixiyuhu mid naxsan oo xagga danbe ka maray miiska, sidaa awgeedna waxa ay qaadatay lacagtii miiska, sida lagu sheegay war-bixinta. Laakiin wakhtigaasi  iyadoo aan dareemayn waxa ay qaadatay GPS tracker.

Saraakiisha booliiska oo adeegsanaya raadiyaha GPS, ayaa raacay  Lopez-Ramirez iyada darwalka gaadhiga waday, , waxaana ay ku socdeen xawaare 100 mph ah iyagoo isku dayaya inay ka baxsadaan booliska. Xawaaraha sare awgeed Waxa ay ku dhacday gaadhi, kale waxaana ku dhaawacamay darawalka, iyadana waa la qabtay oo xabsiga loo taxaabay.

Bishii Meey 20, 2019, waxaa lagaga sii daayay Jeelka Degmada Denver shuruudo, ay ku jirto inay lugta ku xidhnaato GPS, kaasi oo lagala soconyao hadba halka ay joogto.

Laakiin Shan maalmood ka dib, GPS (ilaaliyaha)  waa ay iska saartay Lopez-Ramirez waxaana ay markaasi noqotay maxbuus baxsad ah.

Bishii Juun 4, 2019, Lopez-Ramirez waxa ay  dhacaday Bangiga Galbeedka, 1389 S. Havana St., Aurora. Lix maalmood ka dib, waxa ay haddana dhacday Bangiga TCF, 18520 Green Valley Blvd., Denver, mar labaad iyadoo bastoolada sidata oo garaacaday. Qiyaastii 10 maalmood ka dib dhacii TCF, Lopez-Ramirez ayaa loo xidhay ka dib markii dukaan alaabta iibiya ay isku deyday in ay xado iyadoo is

ka dhigaysa mid wax ka iibsanaysa.

“Damaca gabadha Lopez-Ramirez ayaa ah mid ay ku samaynaysayn tuugo taxane ah, waxaana ay sii wadday fal-dambiyeedkeeda xitaa markii la qabtay oo haddana la sii daayay,” Xeer ilaaliyaha Mareykanka Jason Dunn ayaa sidaa ku sheegay war-saxaafadeedkiisa.

“Xirfadeedii budhcadnimo ee hubaysnayd waa ay dhammaatay, waxaana ay hadda ku jiri doontaa ku dhowaad labaatan sano xabsi federaal ah si ay uga fikirto ficilkeeda xun waxna ugu qaadato.”

Lopez-Ramirez waxaa lagu soo oogay dacwadaasi bishii June 5, 2019, waxaana ay qirtay dambiyadaasi Feb. 4, 2020.

Waxaa xukumay Xaakimka Maxkamadda Degmadda Raymond P. Moore, kaasi oo 19 sano u jaray.  Muddada xabsiga marka uu u dhamaado, Lopez-Ramirez waxa ay ku sii  jiri doontaa seddex sano oo ah xadhig kormeer ah oo la la socon doono hadba mesha ay joogto.

Waxa kale oo Intaas sii dheer, oo lagu amray inay bixiso magdhawga dowladda Mareykanka maaddaama bangiyada ay caymis federaal ah leeyihiin. Waxaana ku sii badanya xadhiga haddii ay bixin weydo magdhowgaasi. Sidaasi ayuu qofka caadooyinka khariban caadaytsaa ugu danbeeya dhibaato uu noloshiisa ku dhamaysto.