Hargeysa:Masuuliyiinta Dowladda hoose oo Warbixin siiyay Guddida Joogtada ah ee Guurtida

0
95

Hargeysa (Dawan) Maayer ku xigeenka Caasimadda Hargaysa Khadar Axmed Cumar ayaa shalay hor tegay guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, halkaasi oo ay warbixin kaga dhagaysteen gudidaasi

Maayer ku xigeenka Hargaysa ayaa guddida u sheegay inay ku hawlah yihiin samaynta parkin kii guud ee Caasimadda Hargaysa oo wakhti badan loo maara la’y’ahay meel la dhigo gaadiidka dadwaynaha ee suuqyadda buux dhaafiyay.

Dhinaca kale Maayer ku xiegaanka Hargaysa ayaa guddida la wadaagay waxqabadka dawladda hoose ee Hargaysa oo ay muhiimada saareen isku xidhka jidadka Hargaysa, waxaanu sidoo kale mudanayaasha la wadaagay in dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen uu dhamaaday boqolkiiba sagaasha.

Sidoo kale waxa uu sheegay Maayer ku xigeenka Hargaysa in ay samaynayaan sidii loo samayn lahaa mashruuca dib u meertaynta walxaha shashinka dareeraha ah kaasi oo looga faa’iidaysanayo waraabka beeraha.

Ugu danbayn Maayer ku xigeenka Hargaysa ayaa ka warbixiyay Biriishyada ka socda Hargaysa oo uu xusay in ay gacanta ku hayaan Biriijyo badan oo ka socda Hargaysa.