Wadamo badan oo caalamka ah ayaa waayadan danbe waxay si weyn isugu hawleen sidii xal loogu heli lahaa saamaynta xun ee ay bulshooyinka adduunka ku yeelatay dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda.
Somaliland ayaana lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay wadamadda loo yaqaano dunidda saddexaad ama dalalka uu dhaqaalahoodu soo korayo ee ay sida daran u saamaysay waxyeeladda ay sababtay isbedelka cimiladda.
Wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ayaa mudooyinkanba ku hawlanayd sidii loo diyaarin lahaa siyaasadda iyo shuruucda la xidhiidha arrimaha la qabsiga isbedelka cimiladda, taasoo noqotay mawduucyada ugu waaweyn ee sanadan ba ay caalamku aadka uga hadlaan.
Waxaanay wasaaradda deegaanka jamhuuriyadda Somaliland qorshaynaysaa sidii loo dhamaystiri lahaa siyaasadda ku aadan in bulshadda la fahamsiiyo dhibaatadda ka dhalatay isbedelka cimiladda iyo sidoo kale sidoo bulshadda loo gaadhsiin lahaa la qabsiga isbedelka cimiladda.
Hadaba qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland oo badhtamihii bishan July magaaladda Hargaysa ku qabatay kulanka wadatashiga ee Daneeyayaasha qorshaha la qabsiga Isbedelka Cimilada Somaliland, kaasoo ay furitaankiisa ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradaasi.
kulankaasi ayay u jeedadiisu ahayd in la qorsheeyo sida ugu fiican ee bulshada Somaliland ula qabsan karto Isbedelka Cimilada, kaas oo imikaba ay saamyentiisu ka muuqato deegaamadda kala duwan ee dhulka Somaliland.
Waxaana kulan hawleedkaasi ka soo qayb galay Daneeyayaasha arrimaha Deegaanka, oo ay ka mid ahaayeen haayadda UNDP oo qayb weyn ka qaadatay hirgelin iyo curinta siyaasadda arrimaha la qabsiga isbedelka cimiladda.
Kulankaasi ayaana ahaa kulankii wada tashi ee u danbeeyay ee laga yeeshay in qorshaha qaranka Somaliland ee isbedelka cimiladda si loogu daro wixii afkaar iyo aragtiyo ah ee lagu xoojinayo xeerkaasi.
Diyaarinta qorshahani ayaa soo martay marxalado kala duwan tan iyo markii dhawr sanadood ka hor la soo bilaabay diyaarintiisa, qorshahani ayaana loo arkaa inuu Somaliland guud ahaan muhiim u yahay.
Qorshahani wuxuu tilmaamayaa inuu noqdo hage ay dawladu go’aamo ku gaadho, iyo haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa maxaliga ah ee wada mashaariicda sidii loo la qabsan lahaa isbedelka cimiladda.
Sidoo kale waxa uu qorshani tilmaamayaa in la yareeyo nug laanshiyaha saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda ee Somaliland taasoo ay ka dhalan doonto madhnaanshiyo badan oo jira inuu buuxiyo. Sidoo kalena uu fududeeyo in aynu helno dhaqaaleyaal lagu maalgelinayo mashaariicda la qabsiga isbedelka cimiladda.
Agaasimaha waaxda isbedelka cimiladda ee wasaaradda deegaanka Somaliland oo furitaankii kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa faah-faahin ka bixiyay u jeedadda kulankaasi iyo sidoo kale muhiimadda uu xeerkani leeyahay iyo marxaladihii uu soo maray.
Waxaanu yidhi “U jeedadda kulankeenani waxa weeye qorshaha qaranka ee isbedelka cimiladda, oo gebagebo ku dhaw in daneeyeyaasha kala duwani ay ku daraan aaraadoodda, fikirkoodda, iyo wixii ka dhiman. Kadibna uu noqdo mid ka turjumaya dalkeena.
Marxalado kala duwan ayuu soo maray, oo markii u horaysay waxaa la sameeyay deraasad sal u ah, taasoo la xidhiidhay yaa ka shaqeeya arrimaha la qabsiga isbedelka cimiladda, iyo daneeyeyaasha. Maxaa mashaariic la taaban karo ilaa imika socda sanadkii 2023-kii.
Mashaariicda waxaa laga eegayaa maxaa qorsheyaasha la qabsiga isbedelka cimiladda iyo yaraynta nug laanshiyaha isbedelka cimiladda, ka shaqaynaya. Sidoo kale in kulamadii hore ee joogtada ahaa, ee marxaladaha kala duwan taagnaa, ee siyaasadaha iyo xeerarka, ee wasaarradaheena khayraadka dabiiciga ah ay leeyihiin, iyo arrimahaasi oo dhan lagu soo falan-qeeyay”.
Waxaanu intaas raaciyay “In deraasada nug-laanshiyaha isbedelka cimiladda oo iyadna fure u ahayd qorsheheenan la qabsiga isbedelka cimiladda ee la sameeyay. Markaa u jeedadda ugu weyn ee kulankeenani waxa weeye in la soo bandhigo qaybtii ugu horaysay ee wax soo saarkii qorshaha qaranka ee la qabsiga isbedelka cimiladda Somaliland”ayuu yidhi agaasimaha waaxda isbedelka cimiladda ee wasaaradda deegaanka Somaliland.
Geesta kale Cabdi Abokor, oo ka socday haayadda UNDP ayaa isna sheegay in mudadii lagu soo jiray diyaarinta xeerkani in waxyaabo fara badan lagu soo deraasadeeyay, kuwaasoo lagu eegayay meesha loo socdo. Isagoona ka qayb galeyaasha iyo masuuliyiintaba kula dar-daarmay in la sii wado dhamaystirka siyaasadani.
“Haddii aad dib u eegtaan, madadaa labada sano ahayd ee aad hawshan soo wadeen wax badan ayaad aragteen, wax badan ayaanad ka arki kartaan halkii aan soo marnay, iyo halka aan u socono. Waa cilmi is waydaarsi, iyo mustaqbalka halkii aan u soconay.
Waxaanan idinku boorinayaa in aad halkaa ka sii wadaan, maadaaama oo aad aqoon ahaan faham fiican ka haysataan hawlahan la qabsiga isbedelka cimiladda, isla markaana aad in muddo ah soo wadeen”ayuu yidhi Cabdi Abokor, oo ka mid ah masuuliyiinta haayadda UNDP.