Xikmadaha

0
75
  • Hala la yaabin haddii Shimbiraha adigoo siinaya hadhuudh inay kaa duulaan. Maxaa yeelay shimbiruhu way ka duwan yihiin Aadamiga, waxay rumaysan yihiin in Xorriyadu ka qaalisan tahay midhaha aad siinayso. (Dr. Ibrahim Fiqhi)
  • Inaad guulaysataa waxay ku jirtaa gacmahaaga, laakiin kuma jirto gacmaha dadka kale.
  • Haddii aad doonayso inaad nolol wanaagsan ku noolaato, ku xidh naftaada Allah (sw), laakiin haku xidhin ashkhaas.
  • Walaalkaa waani oo ha fadeexadayn, canaano adigoon niyadiisa dhaawacayn.
  • Nin indhoole ah aya habeen u baxay dhinaca webiga, laakiin wuxu sii qaatay faynuus. Dadkii ayaa wediiyay sababta uu u qaadanayo Faynuuska madaama uu indhoole yahay , waxaana uu ugu jawaabay inuu doonayo inay kuwa indhaha qabaa kaga baydhaan.