Adeeg Wasaarada Maaliyadu keentay oo Kordhinaya Dakhliga iyo Fududeynta Cashuur Bixinta Ganacsatada ee Dekedda

0
70

Berbera (Dawan)- Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Dekedda Berbera ku soo bandhigtay adeeg cusub oo lagu baadho Konteenarada, lana sheegay inuu kordhin doono dakhliga, isla markaana fududeynayo cashuur-bixinta ganacsatada dekdda Berbera.

Adeega cusub oo la sheegay inuu sare u qaadayo amniga iyo hufnaanta baadhista xamuulka konteenarada badeecadaha Dekedda Berbera yimaada ayaa keenaya in si fudud loo ogaado dhamaan badeecadaha ku jira gudaha konteenarada, lagana maarmi doono baadhitaankii gacanta.

Hawlwadeenada Kastamada ee Dekedda Berbera oo qalabkan ku shaqeeya ayaa fursad u helaya inay si fudud ku ogaadaan tirada dhammaan badeecada gudaha konteenarka, taas oo kordhinaysa dakhliga, isla markaana fududeynaysa wakhtigii ganacsatadu ku cashuuran jireen badeecadahooda.

Ganacsatada adeegsada Dekeda Berbera ayaa si weyn ugu mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda keenitaanka adeega cusub oo fursad u siinaya inay wakhti kooban ku cashuurtaan badeecadahooda.

Qalabkan cusub ayaa la filayaa in uu hagaajiyo howlaha shaqo iyo kor u qaadida hab-socodka badeecadaha dekadda iyo adeegyadeeda.