Baarlamaanka Ingiriiska oo Sare u Qaaday Doodahooda ku Saabsan Qadiyada Aqoonsiga Somaliland

0
100

 

London (Dawan)- Labada gole ee baarlamaanka Ingiriiska ayaa si weyn u soo dhaweeyay qadiyada qaranka Somaliland ee ku saabsan aqoonsiga caalamiga ah ee ay xaqa u leeyihiin, ka dib markii ay mudanayaal ka tirsan aqalka baarlamaanka iyo kuwa Guurtidu ka codsadeen dawladooda inay si degdeg ah u eegto arrintan.

Talaabooyinka xildhibaanada Guurtida iyo Wakiiladda Ingiriiska ayaa iftiiminaysa sida ay lagama maarmaanka u tahay in si rasmi ah dib loogu aqoonsado Somaliland oo ah dal markii ugu horreysay xornimadiisa ka qaatay Ingiriiska 26-kii June 1960-kii

Waxa xusid mudan in todobaadkii hore gudihiisa saddex xildhibaan si hal-adayg ah ay qadiyada Somaliland uga doodeen goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtida Ingiriiska, maalmo ka dib markii golaha deegaanka Liverpool ay mar kale u codeeyeen in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah.

Xildhibaan Start Polak oo golaha guurtida Ingiriiska ah ayaa si weyn uga hadlay aqoonsiga Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la arko in Somaliland la aqoonsan yahay iyada oo aan laga maarmi karin hadda marka la eego isbeddellada siyaasadeed ee xawliga ku socda ee ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ee Somaliland iyo Itoobiya ee bilowgiisii sannadka.

Waxa kale oo uu sheegay in heshiiska dhex maray Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid lagu doonayo in la aqoonsado qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana Itoobiya loo ogolaado in xeebaha badda ee ay u baahan tahay ay ka hesho dhul la kireeyey.

Waxa uu aad u faahfaahiyay nuxurka iyo waxa uu ka dhigan yahay heshiiska is-afgaradka isaga, isa oo ku tilmaamay mid muhiimad weyn u leh mandaqada iyo caalamka ba, waxaanu u soo qaatay in uu keeni doono xasilooni dheeraad ah iyo in uu horseedo kobaca dhaqaalaha gobolka.

Mar uu ku nuux-nuux saday aragtidiisa ku aaddan arrinta, waxa uu tilmaamay, “Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland waa heshiis taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaya. Waxay wax ka qabanaysaa baahiyaha muhiimka ah ee dhaqaale iyo amni iyadoo dajinaysa waddo cusub oo diblumaasiyadda gobolka iyo aqoonsiga caalamiga ah. Marka aynu ku soconno muuqaal-siyaasadeedkan kakan, waxa lama huraan ah in aan ka shaqayno kobcinta xasilloonida iyo iskaashiga Geeska Afrika. Waa in aynu taageerno dedaalka ay wadaan dalalka ay ka mid yihiin Somaliland iyo Itoobiya ee ku aaddan sidii gobolkan xasilooni loogu soo dabaali lahaa, waxaanan rajaynayaa in aan la shaqayno xildhibaan Collins oo arrintan sii wada”.

Deddaalada xildhibaanada ayaa waxa ka mid ah oo si hufan ugu soo bandhigay fikirkiisa Xildhibaan Gavin Williamson ee Aqalka Baarlamaanka isaga oo ku boorriyay Wasiirka Arrimaha Dibedda David Lemmy inuu si cad u eego arrinta.

Xildhibaan Gavin oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Itoobiya waxa ay qarka u saaran tahay in ay aqoonsato Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan ka codsan lahaa Wasiirka in uu eego halka ay siyaasadda Ingiriisku ka taagan tahay si loo xaqiijiyo in ay ka turjumayso xaqiiqada cusub”.

Sidoo kale, xildhibaan David Howel oo ka tirsan aqalka Guurtida Ingiriiska ayaa sheegay inuu la qabo asxaabtiisa aqalka guurtida oo ka hadlay arrintan dabayaaqadii Salaasadii ina dhaaftay, isaga oo sheegay sida ay lama huraanka u tahay in la arko in Somaliland oo si xaq ah loogu aqoonsado meeqaamka ay mudan tahay.

“Aqalka guurtida sharafta leh waxaan u sheegaya in Somaliland oo aan waddan ahayn, tahay wax laga xumaado, maadama dalkani si firfircoon ka buuxo, uu ugu shaqeeynayo duruufo aad u adag, iyo inuu ka go’o Soomaaliya, oo aan xitaa maqaam qaran lahayn”.

Waxa uu ku booriyay dawladda Ingiriiska inay kiiskan hoos u eegto, “Waxaan rajaynayaa in dawladda cusub ee daneeya arrimaha Barwaaqo-sooranka ay dib u eegaan qaddiyadda Somaliland”.