Kulmiye Wuxuu la Tartamayaa Laba Xisbi oo uu Hore uga Badiyay

0
81

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa qeexay in xisbiga Kulmiye uu yahay mid mar kasta ku guulasta tartanka doorashada, waxaanu xusay in labada xisbi ee hadda la tartamaya uu hore uga badaiyay.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye oo ka qayb galay munaasibada loo sameeyay qurba joogta dalka ee taageerada wayn la garab taagan xibiga ayaa sheegay in kulmada is daba jooga ah ee xisbigu samaynayaa ay yihiin u diyaar garawga doorashada iyo sidii loo dar dar galin lahaa shaqada iyo sidii xisbigu u noqon lahaa mid guulaysta.

Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa ku dheeraaday in guuliyii uu xisbiga Kulimye ka soo hooyay doorashooyinkii dalka ka dhacay, waxaanu tilmaamay in uu xisbigu hadda talada dalka hayay mudo 14 sano ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in uu xisbiga Kulmiye uu yahay hadda mid hayin ah oo dulqaadkiisa iyo dabacsanaantiisu ay badan tahay, halka uu tilmaamay in xisbiyada kale ee la tartamayaa ay caadaysteen cayda iyo aflagaadada madaxda iyo dalka ay rabaan inay taladiisa hogaanka u qabtaan waxaanu yidhi

“Tartan walaaltinimo ayaynu galaynaa, waxaynu la tartamaynaa laba xisbi oo kale oo walaalaheen ah oo aynu hore uga soo badinay, maantana waynu ka badin doonaa.

Laakiin aynu is waydiino tartankan maanta maxaa ku cusub, maxaa soo kordhay, haddii markii hore la kala badiyay maxaa maanta lagu tartamayaa, tartanka maanta waxa ku cusub Kulmiye inuu hayin sii noqday, dulqaadkiisu sii batay, xishoodkiisu sii batay, qolooyinkeena kalena waxa u soo kordhay cayda, aflagaadada iyo kursiga sugitaan waagiisa iyo geedka ay hadhsanayaan ee ay ka midka yihiin oo ay goynayaan iyaga intaasi ayaa u soo korodhay.”