Wasiirka Daakhiliga JSL oo Hadhimo Sharafeed u Sameeyay Masuuliyiin iyo Madax-dhaqmeed ka Socday Dawladda Deegaanka Itoobiya

0
97

 

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa soo dhaweeyay madax dhaqmeed iyo masuuliyiin ka socday dawlad Deegaanka Itoobiya, kuwaasi oo dalka ku sugan.

Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE, ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shalay hadhimo sharafeed u sameeyey madax-dhaqameedka iyo masuulin kale oo ka socdey Dowladda Ismaamulka Soomalida Itoobiya ee Jigjiga.

Kulankan qado sharafeedka ah waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL kala qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheikh Maxamed Xaaji Aadan iyo qaar ka mid ah madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland, kulankan qado sharafta ah ayaa ka qabsoomay Hotel Guuleed.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa soo dhoweeyey Madax-dhaqameedka iyo masuulinta kale, dhinaca kalena madax-dhaqameedka booqashada ku jooga Somaliland ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL uga mahadnaqay soo dhowaynta iyo maamuuska uu u sameeyey.

Gebo’gabadii kulanka hadhimo sharafeedka ahaa ayaa la isku waydaarsaday sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladd deegaanka Soomaalida Itoobiya, dhinacna looga soo wada jeesto wax kasta oo wax u dhimaya amniga iyo xasiloonida mandaqada.