Xukuumadda JSL oo Abuurtay Guddi Ictiraaf Raadineed oo Heer Wasaaraddeed ah

0
90

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay horumar la taaban karo ka samaysay helitaanka aqoonsiga caalamiga ah ee qarannimada Somaliland.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu xusay in Somaliland ay samaysay Guddi Ictiraaf Raadineed oo heer wasaaradeed ah, isla markaana ka shaqayn doona sidii ay aqoonsi u heli lahayd Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale waxaa la sheegay in go’aankan uu la xidhiidho dadaallada diblumaasiyadeed ee dowladdu sida joogtada ugu hawlan tahay, kana mid yahay Is-afgaradkii dhawaan ay Itoobiya la gashay dhanka marinka badda.

Itoobiya iyo Somaliland waxa ay wada galeen heshiis is-afgarad ah (MoU) 01.01.2024, kaas oo u ogolaanaya Itoobiya in ay gasho badda si ay Somaliland u hesho aqoonsi caalami ah.

Xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee Prosperity Party (PP) ayaa bishii January ku dhawaaqay inuu qaatay go’aanka ah in Heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland uu yahay “heshiiska la taaban karo” iyadoo isla mar ahaantaana fiiro gaar ah u leh mabaadi’da wax bixinta iyo qaadashada, go’aan laga soo saaray gunaanadka shirar afar maalmood ah oo ay yeesheen xubnaha fulinta iyo golaha dhexe.

Heshiiska lala galay Somaliland, sida uu sheegay xisbiga talada haya, waxa uu muujinayaa “mawqifka Itoobiya ee xidhiidhka dhaqaale iyo dhaqan ee gobolka.”

Bishii February, Somaliland waxa ay ku dhawaaqday in ay “ku socoto iyada oo aan laga leexleexan ” fulinta heshiiskii is-afgaradka iyo in ay magacawday koox la-taliye heer sare ah iyo koox farsamo oo khubaro sharci oo caalami ah si ay ugala taliyaan una hagaan geeddi-socodka. .