QORE:Khadar Cabdi Muuse
Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ayaa dhawr sanadood ka hor shaacisay in dalka laga hirgelinayo xarun cilmi baadhis ku samaysa saamaynta dalkeenna ay ku yeelatay isbedelka cimiladda adduunka.
Waxaanay wasiirku tilmaantay in ay muddooyinkan danbe ku hawlanaayeen sidii machadkaasi loo furi lahaa, isla markaana ay arrintaasi ka wada shaqaynayeen wasaaradda Maaliyadda Somaliland, iyo Jaamacadda magaaladda Burco, ee xarunta gobolka Togdheer.
Wasiirku waxay sheegtay in wasaaradda Deegaanka Somaliland oo kaashanaysa hay’adda CCF in ay xog ururin ka soo sameeyeen goboladda dalka qaarkood, xog ururintaasi oo la xidhiidhay saamaynta isbedelka cimiladu ku yeelatay goboladda dalka.
Inkastoo wakhtigii ay wasiirku sidan sheegtay hada laga joogo muddo laba sanadood iyo dheeraad ah, isla maraakana aan weli mashruucaasi la shaacinin in la hirgeliyay, hadana waa mid aad loogu baadnaa in dalka laga sameeyo.
Sababtoo ah waxyaabaha ugu badan ee waayadan danbe ay wadamadda caalamku sida weyn uag hadlayeen waxaa kow ka ah arrinta isbedelka cimiladda, taasoo saamayn xun ku yeelatay nolosha bulshooyin caalamka.
Hadaba, qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa hadalkii wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ay kaga warbixinaysay arrinta la xidhiidha sidii magaaladda Burco looga hirgelin lahaa machadka lagu daraasadaynayo waxyeeladda isbedelka cimiladda ka dhalatay.
Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayay na waxay tidhi, “Meelaha xog ururinta laga soo sameeyay, ee la soo eegay, ee la tegay, illaa afar meelood ayaa xog ururin laga soo sameeyay. Waxaanay kala yihiin gobolka Awdal, degmadda Sheekh, Togdheer, iyo Oodweyne, inta ba waa la tegay. Isbedelka cimiladu saamaynta uu ku yeeshay, in la soo ogaaday, xog ururin baa laga soo sameeyay. Waxaanan la wadaagnay xog ururintaasi hay’adaha iyo wasaarradaha aanu wada shaqaynta leenahay”.
Machadkna cilmi baadhista ku samaynaya saamaynta isbedelka cimiladu ku yeeshay dalkeenna ayay wasiirku sheegtay in laga hirgelin doona Jaamacadda magaaladda Burco, kaasoo la furi doono todobaadka soo socda. “Xog ururintaasi waxay ku tusaysaa, gobolka Togdheer, oo aanu imika doonayno in aanu Jaamacadda Burco, kala shaqayno, oo machad (institute) laga furo todobaadkan soo socda, haddii ALLE idmo.
Machadkaasi laga furayo gobolka Togdheer, oo isagu hadhawto inoo noqonaya xarun cilmi baadhis ku samaysa isbedelka cimiladda, oo marjac loo noqdo inoo noqda. Taa saanu waayadan danbe, anaga (wasaaradda deegaanka), iyo wasaaradda Maaliyadda, iyo Jaamacadda Burco, ka wada shaqaynaynay sidii loo furi lahaa machadkaasi.Machadkaasi oo sal u noqon doona saamaynta uu inngu keenay isbedelka cimiladu, gaar ahaanna abaarraha soo noq-noqday” ayay tidhi wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo marti ku ahayd barnaamijka Bandhiga waxqabadka iyo isla xisaabtanka xukuumadda, iyo shacabka.
Barnaamijkaasi oo laga baahiyay telefishanka qaranka Somaliland ayaa wasiirka ay su’aallo fara badan oo la xidhiidha shaqadda wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ku waydiiyeen dadweynihii ka soo qayb gallay, ayaa dhamaantood ba ay wasiirku si wanaagsan uga wada jawaabtay.
Wasiirka, ayaa ka hor intii aan la furin su’aalaha ay waydiinayeen dadweynuhu waxay ka warbixisay hawlaha shaqo ee wasaaradda, waxyaabaha u qabsoomay, qorsheyaasha iyo yoolka ay higsanayso wasaaraddu.
Sida xidhista Seereyaasha, wax ka qabashadda dhul Oodashadda, illaalinta iyo daryeelka duur joogta, iyo xakamaynta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta, abaarraha soo noq-noqday, iyo waxyaabaha ay ka qabteen dhibaatooyinka kala gedisan ee haysta degaanka.
“Isbedelka cimiladdu adduunka ee aynu maanta arkayno, keligeen uun maaha, marka aynu ka hadlayno, adduuyada oo dhan bay saamaysay, hadda na dal waliba si isaga u gaar ah ayuu ula tacaalaa. Waxaa jira xeerar fara badan oo ay adduunyadu samaysteen, oo ay doonayaan in ay ku dhaqmaan, oo dawlad waliba ay ugu dhaqmi lahayd. Dawlad waliba na u hagaajin lahayd deegaankeedda.
Isbedelka cimiladda, wax na waa wax innaga wada dhexeeya, wax na waa mid aynu keligeen leenahay. Innaga (Somaliland) markaynu eegno, waxaa kow inoo ah xaalufka deegaanka ku dhacay. Waayo? Ma nihin dal hodan ah, oo roob badani ka da’ayo. Innaga dhulkeenu wuxuu u dhaw yahay Lama-degaan. Waxaanan ka mid nahay wadamadda loo yaqaano Lama-degaan u ekaha, ee ay dhirtu aadka ugu yar tahay, ayaynu ka mid nahay”ayay tidhi Shukri Baandare.
Wasiirka oo hadalka sii wadatay waxay tidhi, “Xaalufka ku dhacay deegaankeenu, si xun ayuu inoo saameeyay. Saamaynta uu innagu keenay isbedelka cimiladu, waxaa ka mida roobabkii inoo di’i jiray, oo yaraaday, iyo Abaarraha soo noq-noqday, waxaana sababay Abaarraha isbedelka cimiladda.
Sidoo kale isbedelka cimiladu Hawadda ayuu saamayn ku keenay, innaga na way inna saamaysay, caalamka na way saamaysay. Xaalufka deegaanka waxaynu ka dhaxal nay dhir yaraan, dhirtii soo bixi lahayd na waynu isticmaalaynaa, oo waa la jarayaa, oo Dhuxul ayaa laga shiidayaa, ama beero ayaa lagu Oodanayaa, ama siyaabo kala duwan ayaynu u isticmaalaynaa, oo xad-dhaaf ah”.
Wasiirka oo bulshada farriin u dirtay, kana jawaabaysay su’aal la xidhiidhay Dhuxulaysiga oo qayb ka qaata xaalufka deegaanka iyo dhibaatooyinka ka dhashay.ayaa tidhi. “Bulshadda waxaan u soo jeedinayaa in ay bedelaan isticmaalka Dhuxusha, oo ay geedka Garan-waaga Dhuxul fiica ayuu leeyahaye, ay dhuxulaysatadu ka samayso Dhuxul, si aynu u bad-baadino dhirteena uu xaalufku