Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa jawaab ka bixiyay fariin uu bulshada Awdal la wadaagay gudoomiye ku xigeenkii hore ee golaha Wakiillada Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, taasi oo ahayd inay codkooda siiyaan Waddani iyo Kaah.
Gudoomiyaha ayaa bulshada u sheegay inay codka ku siiyaan maadaama ay Xisbiga Waddani iyo ururka Kaah ay ku heshiiyeen in Dastuurka loo furo bulshada Awdal, waxaanu wasiirku kaga jawaabay in aanay jir sabab Dastuurka loo furo, balse la furo karo qodobo ay bulshadu wax ka tabanayaan, waxaanu xusay in aanay jirin cidd furi karta Dastuurka Somaliland.
Wasiir Buuni ayaa xasuusiyay gudoomiye Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle in wakhtigii uu ka midka ahaan golaha Wakiillada ee uu gudoomiye ka ahaa Cabdiraxmaan Ciro in mooshin ay keeneen 13-kii Xildhibaan ee gobolka Awda lee uu ka midka ahaa gudoomiyuhu in uu maalintaasi dibeda uga baxay fadhiga Cabdiraxmaan Ciro, waxaanu tilmaamay inay dhalnteed tahay hadalada ah Dastuur baanu furaynaa.
Wasiir Cabdinaasi Muxumed Xasan Buuni ayaa sidoo kale gudoomiyaha ugu baaqayn haddii ay ka dhab tahay sheegista bulshada Awda lee codka inay ka shaqeeyaan sidii ay ula soo bixi lahaayen urur siyaasadeedka Hilaac oo uu hogaaminayo Prof. Axmed Ismaaciil Samater oo ka soo jeeda Awdal waxaani yidhi
“ Gudoomiye ku xigeenkii hore ee golaha Wakiillada oo saaka kulan warbaahineed ku qabtay gobolka Awdal ayaa waxa uu yidhi waan inay shacabka gobolka Awdal codkooda koowaad siiyaan Waddani, codkooda labaadna siiyaan ururka siyaasadeedka Kaah, isaga oo ku miisaamay labadaba fikirkiisa shakhsiga ah inuu dadka ku hogaamiyo, waxana uu yidhi Xisbiga Waddani waxa uu heshiikii ay Kaah wada galeen ku qoreen inuu Dastuurka Somaliland reer Awdal u furayo.
Taa hadaan dul istaago horta Dastuurka la iskama furo, Dastuurka qodobo ka mid ah oo ay dadku wax ka qabaan baa la furaa, 130 qodob oo Dastuurka ah ujeedo loo furayaa ma jirto, xukuumadda joogtaana ma furayso, ta uu hankaasi ku jiraana waa riyo, waayo qodobaa la furaa Dastuur la iska furaa ma jirto, waana dhalanteed iyo been mar walba dadka dhagahooda lagu soo celceliyo.
Bulshada gobolka Awdal haddii ay kuraasta xeer dajinta wax ka qabaan, inta khusaysa ayaa Dastuurka wax la iska waydiinayaa, taasian maalin buu fikirkeenu u dhawaayoo, iska daa Dastuur la furo’e, mooshin ay keeneen oo adigu xubin gole Axmed Yaasiinow aad ka ahayd, Cabdiraxmaana gudoomiye gole uu ka ahaa ayaa reer Awdal 13-kiinii mudane ee aad ka midka ahayd ay soo dhigeen, mooshin in wax la iska waydiiyo, hadda Dastuur furis ma ahayn, mooshinkaasi Cabdiraxmaan Ciro banaanka ayuu uga baxay markii Xildhibaanada reer Awdal ay keeneen, waa taariikh sugan oo adiga ayaa iiga markhaati ah, waa ninkaa ninka aad leedahay Dastuur buu reer Awdal u furayaa.”