Shirweynaha Qaran ee ICT-ga JSL oo la Shaaciyay Wakhtiga la Qabanayo

0
84

Qore Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland Dr. Axmed Yuusuf Idiris, ayaa ku dhawaaqay wakhtiga la qabanayo shirweynaha heer qaran ee ICT-ga somalialnd kaasoo sanadkiiba hal mar la qabto.

Shirkaasi oo noqonaya shirweynihii lixaad ee noociisa ah oo Somaliland laga qabto, waxaana shirkaasi la qaban doonaa 27-ka isla bishan August ee aan ku jirno, isla markaana waxa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah.

Shirweynahani oo ay qaban qaabisay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland ayaa sanad walba loo qabtaa bulsho weynta reer Somaliland si ay uga faa’iidaystaan waxyaabaha cusub ee ku soo kordhay addeegyadda isgaadhsiinta noocyadoodda kala duwan.

Shaacinta shirweynaha heer qaran ee lixaad ee ICT-ga Somaliland waxaa faah-faahin ka bixiyay wasiirka isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Yuusuf Warsame Xasan, oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiska wasaaradda isgaadhsiinta ee magaaladda Hargaysa.

Dr. Axmed Yuusuf Idiris, wasiirka isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland oo u jeedadda shirkaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shirkani oo ay u jeedadiisa koowaad ay tahay, isku keenida dhamaanbad daneeyeyaasha ama wadaageyaasha tignooljiyadda, oo ay ka mid yihiin shirkadaha isgaadhsiinta ka shaqeeya, ardayda jaamacadaha ee tignoolajiyadda bartay, bareyaasha jaamacadaha dalka ka dhiga tignoolajiyadda, cilmi baadheyaasha wax ka qoray arrimaha tignoolajiyadda, ee dalka iyo dibadaba jooga, hal-abuurada kale ee tignoolajiyadda, iyo suxufiyiinta wax ka qoray tignoolajiyadda.

Iyadoona looga dan leeyahay in shirkaa lagu soo badhigo aqoon korodhsi, iyo hal-abuurro cusub, si look ala faa’iidaysto, si maxsuulka ka soo baxana loo isticmaalo, meel na la isugu keeno wadaageyaasha kala duwan ee ICT-ga”.

Hal-ku-dhega shirka sanadkan ayuu wasiirku ku sheegay inuu yahay qaabaynta mustaqbalka Somaliland ee isku xidhka ee Caqliga macmalka ah, iyadoona qorshuhu yahay in mustaqbalka dhaw loo guuro isticmaalka isku xidhka ee Caqliga macmalka ah.

“Shirka sanadkan oo uu hal-ku-dhegiisu yahay qaabaynta mustaqbalka Somaliland ee isku xidhka ee Caqliga macmalka ah, kuwaasoo mustaqbalka dhaw wax ka tari doona adeegyadda la hal maala tignoolajiyadda, wax badan na fududayn doona, wakhti badan na inoo madhxin doona, dhaqaalena inoo abuuri doona, waana meesha uu adduunku u socdo ee geediga loo yahay” ayuu yidhi wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland.

Geesta kale agaasimaha guud ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Yuusuf Warsame Xasan, oo isna halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay in shirkani uu faa’iidooyin badan u leeyahay guud ahaanba bulshadda reer Somaliland, kaasoo wax badan ay faa’iidi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshadu.