KULMIYE iyo Urur Siyaasadeedka Ogaal oo Wada-gaadhay Heshiis Is-afgarad ah oo Hordhac ah

0
73

 

Hargeysa (Dawan)- Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka KULMIYE iyo madaxda ugu sarraysa urur-siyaasadeedka OGAAL, ayaa shalay yeeshay kulan ballaadhan oo lagu ibo-furayo wadahal hordhac ah oo saldhig u noqon doona heshiis rasmi ah oo ay labada dhinac wada gaadhaan.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayey dhinacyadu iskula afgarteen inay gaadhaan heshiis rasmi ah, dhawaanna lala wadaagi doono taageerayaasha xisbiga iyo taageerayaasha urur siyaasadeedka Ogaal.

Markii uu kalankaasi soo dhammaaday waxa saxaafadda la hadlay, guddoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo guddoomiyaha ururka OGAAL, marwo Rooda Cabdi Muuse, waxana ay caddeeyeen inay gaadheen is Af-garad buuxa iyo wada-hadal midho dhalay oo horseedi doona in dhawaan la kala saxeexdo heshiis rasmi ah.

Guddoomiyaha xibsiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa si diiran u soo dhaweeyay hoggaanka iyo madaxda sare ee urur siyaasadeedka OGaal, waxaanu yidhi “Waxaan si diiran u soo dhawaynayaa madaxda urur siyaasadeedka Ogaal, waxaa maanta aanu halkan wada joognaa hoggaanka sare iyo madaxda urur siyaasadeedka Ogaal oo ay ugu horrayso Marwo Rooda iyo hoggaaka xisbiga KULMIYE. Muddo markii ay wada hadlayeen waxay isla qaateen in heshiis hor dhac ah oo lagaga hadlaayo in ay heshiis buuxda wada gaadhaan ururka Ogaal iyo xisbiga KULMIYE.

Heshiiskaas oo aanu rajaynayno in uu si dhakhso ah u soo dhammaystirmo marka uu soo gabagaboobo waxaanu u soo bandhigi doonaa guud ahaan bulshada reer Somaliland, taageerayaasha Xisbiga KULMIYE iyo kuwa ururka Ogaal.”

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka OGAAL, marwo Rooda Cabdi Muuse oo iyaduna munaasibadaasi ka hadashay ayaa tilmaantay in ay heshiis is-fahan wada gaadheen ururkooda iyo Xisbiga KULMIYE, waxaanay tidhi “Waxaan jecelahay inaan maanta halkan uga iftiimiye ummada Somaliland, taageerayaasha urur siyaasadeedka Ogaal iyo taageerayaasha xisbiga KULMIKYE in aanu halkan ku ibo-furnay heshiis is-fahan, waxaan rajaynayaa wada-hadalada iyo heshiisyada sida is afgaradka ah maanta ku bilaabmay in ay ku sida ugu dhakhsaha badan ku dhammaystirmaan oo uu noqdo heshiis rasmi ah, heshiiskaasina waxa uu ka turjimi doonaa rabitaanka shacbiga Somaliland iyo taageerayaasha ururka Ogaal oo dooran doona madaxweynaha dalka insha allaah hadii heshiiskaasi dhammaystirmo waxaanu rajaynaynaa guul qarannimo iyo mid dawlad-nimo oo ka bilaabma Ogaal iyo KULMIYE.”