Sabirka Iyo Dhacooyin Dareenka Taabanaya!

0
102

Nebi Yacquub (cs) markii uu la dardaarmay inamadiisa wuxu ku yidhi “
“ Wiilashaydow baxa oo soo raadiya Yusuf   iyo walaalkii hana ka quusanina naxariista Allah (sw)  “

Waxay ina tusaysaa in si kasta oo dhibi inoo taabto aynaan ka quusan Naxariista Allah (sw), kuna kalsoonaano oo khayr iyo wanaag ka rajayno.  Nebi Yuusuf (cs) jeelka waxa kula xidhnaa laba nin, mid markii la sii daayay ayaa la dilay, mid kalena markii la sii daayay ayuu boqorka khaadim u noqday. Yuusuf muddo ayuu ku sii jiray oo ku sabray dhibaatadii xadhiga xaq darada ahaa.

Laakiin maalintii la soo daayay waxa uu noqday Boqor. Guushu waxa ay ku lamaan tahay Sabirka iyo kalsoonida aad Allah (sw) ku qabto.

Imam Ibnu Qayim Waxa uu yidhi:

“ Waxii ku dhaafay marna kaga gudbi maysid murugo iyo walbahaar, waxaa lagaga gudbaa raali ahaanshaha Allah (sw), sabir iyo Allaha (sw) oo loo mahad naqo. Qadarka Allah (sw) oo la rumeeyo, iyo adoonka oo qira inuu Allah (sw) u qadaray iyo inuu Allah (sw) wixii uu doono fuliyo”