Xisbiga Kulmiye ah oo Kulan la Qaatay Taageerayaasha Bariga Saaxil

0
68

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Berbera (Dawan) Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye ayaa kulan la qaatay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee kasoo jeeda deegaanada Bariga Gobolka Saaxil ee magaalada Berbera.

Wasiirada wasaaraddaha Diinta, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi , Cadaaladda, Saleebaan Warsame Guuleed, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) Guddoomiyihii hore ee guddida Doorashooyinka, Cabdirashiid Riyo Raac, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa kulan la qaatay taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee deegaanada Bariga Gobolka Saaxil ee ku sugan magaalada Berbera .

Kulanka ayaa waxa kasoo qaybgalay taageerayaal aad u badan oo ku gaashaman astaanta Calanka Xisbiga Kulmiye kuwaasi oo wejiyadooda ay ka muuqato shucuur Waddaninimo iyo dal-Jacayl .

Ugu horeyn ,waxa kulanka ka hadlay Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ugu jira deegaanada Bariga Saaxil ee Kullankaa ku sugnaa , waxaanay Taageerayaasha uga warameen ujeedada kullanka, xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka soo socda.

Masuuliyiintan ayaa shacabkaasi ku bogaadiyeen taageerada ay la garab taagan yihiin xisbiga Kulmiye iyo sida ay u soo muujiyeen taageeradooda, waxaanay masuuliyiintani kula dar daarmeen taageerayaasha xisbiga ee deegaanada Bariga Saaxil inay markasta muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin xisbiga, sidoo kale ay soo saaraan mar labaad madaxwaynaha Somaliland.

Waxa Iyaguna kullankaasi ka hadlay oo hadalka isaga kala dambeeyay qaar ka mid taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee degaanada bariga gobolka Saaxil ee magaalada Berbera, waxaanay Cadeeyeen in beeshani ka mid tahay Mulkiilayaasha Xisbiga Kulmiye sidaa darteedna aanay weligood meel kale Hungureyn, waxaanay hoosta ka xariiqeen in ay ka mid yihiin tiirarka ugu waaweyn ee xisbiga Kulmiye ku taagan yahay taas bedelkeedana aanay weligood ka tagi doonin Xisbiga Kulmiye.

Gebo’gabadii waxaa la isla qaatay in meel looga soo wada jeesto sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo garab istaaga xisbiga tallada haya ee Kulmiye, lagana shaqayn lahaa sidii uu mar kale u hanan lahaa jagada madaxtinimo ee dalka.