“Xisbiga Tallada UK la Wareegay Waa Mid Xidhiidh Fog La Leh Somaliland..” Prof Iid Cali

0
72

Prof Iid Cali-Salaan oo sharraxay halka ay marayaan dedaallada aqoonsiga Somaliland ee dalka Ingiriiska”

Hargaysa (Dawan) Prof Iid Cali Salaan oo ah halgamaa muddo ka badan 35 sannadood u halgamayay ummadda reer Somaliland, sidoo kalena ka mid ah aqoonyahan ku nool dalka Ingiriiska oo ku sugan Hargaysa ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan dedaallada Aqoosiga ee dawladda Igiriiska, waxaanu xog badan ka bixiyay in ismaamulo aad u badan ay Aqoonsadeen Somaliland, taasi oo ay u danbaysay golaha deegaaka Liverbool.

Prof Iid Cali Salaan ayaa xogtan uga waramay warbaahinta dawladda, waxaanu xusay in ay meel fiican marayso tacabka Aqoosiga Somaliland oo ay u tafa xayteen dhammaan bulshada Somaliland ee ku sugan dalka Ingiriiska taasi oo keentay in ismaamulo badan oo ka mid ah Ingiriiska iyo Wales ba ay aqoonsadeen Somaliland.

Aqoonyahan Iid Cali Salaan ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay isbadelka ka dhacay dalka Ingiriiska ee uu qabsaday tallada dalka xisbiga shaqaalaha, waxaanu qiray Aqoonyahanku in xisbiga shaqaalaha ee ku guulaystay tallada dalka Ingiriisku uu xidhiidh fog oo qoto dheer ee la leeyahay Somaliland, isla markaasina uu yahay xisbiga ay ku jiraan ama ay ka tirsan yihiin siyaasiyiinta Somaliland ee dalkaasi.

Iid Cali Salaan ayaa xusay in loo baahan yahay hadda in gacmaha la isku qabsado sidii loogu guulaysan lahaa in dawladda boqortooyadda Ingiriisku ugu dhawaaqi lahayd aqoonsiga Somaliland, maadaama buu yidhi ay tallada hayaan xisbi ay Somaliland cilaaqaad wanaagsan oo fog uu ka dhexeeyo.

Sidoo kale Iid Cali Salaan ayaa ka xog waramay halka ay marayaan doodaha Baarlamaanka Ingiriiska ee aqoonsiga Somaliland, waxaanu tilmaamay inay meel wanaagsan marayaan oo fadhiga danbe laga dhigayo ajandaha qodobka koowaad ee lagaga doodayo Baarlamaanka dalkaasi, waxaanu sheegay inay hadda fududahay maadaama oo uu dalka hogaankiisa hayo xisbiga shaqalaaha oo xidhiidh ahaan Somaliland ay aad isugu wanaagsan yihiin.

Prof Iid Cali-Salaan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi yidh “Isbadelkaa ka dhacay dalka Boqortooyada Ingiriiska ee ah in dawladii muxaafidka ahady oo 14 sannadood haysatay xukunka in lagala wareegay oo ay la wareegeen xisbiga shaqaalaha waa in aynu sida ugu habboon uga faa’iidaysanaa.

Markaa waa in aynu is waydiinaa waa maxay xisbiga Shaqaalahu, xisbiga shaqaaluhu xidhiidh wayn ayay la lahaayeen Somaliland wakhtiyo kala duwan, waa xisbiga ay ku jiraan dad reer Somaliland ah oo degan Igiriiska, kaasi oo aan odhan karo boqolkiiba 99 way ku jiraan, waxaana ka mid ah Xildhibaano in badan taageerayay qadiyada iyo Aqoonsiga Somaliland.”

Prof Iid Cali-Salaan waxa uu intaasi ku daray “Xildhibaano badan oo Gavin Williamson uu ka mid yahay ayaa arrinta qadiyad Somaliland geeyay dooda Baarlamaanka balse xisbiga xukuumadda haystay oo aan caawinaynay iyo dalka oo doorasho galayay ayay u dhaqaaqi wayday, balse hadda waxa la balan qaaday in miiska la keeno aqoonsiga Somaliland oo dooda ajandaha Shirka ugo horeye ee All Party Parliamentary Group for Somaliland laga dhigo qodobka koowaad iyada oo uu dalka ka taliyo xisbiga shaqaalaha oo Somaliland ay xidhiidh fog leeyihiin.”

Taariikhda Halganka iyo Hiilkii Professor Iid oo ku Suntan 1981-kii ilaa 2024

Mujaahid Prof Iid Cali Salaan oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah ayaa kaalin mug leh ka soo qaatay sooyaalka taariikheed, dib u dhiska iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale sannadkii 1989-kii waxa uu hormuud ka ah olole ballaadhan oo daaha ka fayday xasuuqii iyo hagardaamadii taliskii Siyaad Barre u gaystay shacabka.

Professor Iid Cali Salaan waa halgamaa kaalin weyn ka soo qaatay horumarka shacabka Somaliland, laga soo bilaabo ilaa 1981-kii oo uu ka mid ahaa dhalinyaradii asaastay ururkii UFFO, waxa uu ka soo qayb qaatay halkankii hubaysnaa ee ururkii SNM ee dalka laga xoreeyay rajiimkii kali-taliska ahaa ee Maxmed Siyaad Barre.

Professor waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii asaastay ururka UFFO oo lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa 1981-kii, dhalinyaradaasi oo ah kuwii shiday iftiinkii ololihii iyo kacdoonkii lagaga soo hor jeestay hagardaamooyinkii iyo cabudhintii taliskii Milatariga ahaa.

July 1988-kii Prof Iid waxa uu dalka Ingiriiska ka bilaabay hawl-gallo iyo olole ballaadhan, kaas oo uu doonayay in uu caalamka tuso isla markaana u xaqiijiyo xasuuqii xuuqii lagu hayay shacabka reer Somaliland, waxaanu Professor-ku dedaal dheer u galay sidii uu Baarlamaanka Ingiriiska u soo hor dhigi lahaa caddaynta xasuuqaasi, isaga oo aakhirkiina ku guulaystay arrintaasi, kadib markii uu ka midho dhaliyay xidhiidhkii uu la sameeyay xildhibaan Alun Michael oo ka mid ahaa mudasnayaasha Baarlamaankaasi oo laga soo doortay Cardiff, kaas oo daaha-fayday dhacdadaasi.

Sida ka muuqata sawirkan oo lagu qaaday xarunta Baarlamaanka Ingiriiska, taariikhdu markay ahayd July 1988, xilligaas oo xildhibaan Alun Michael uu daboolka ka qaaday xasuuqii lagu hayay dadka reer Somaliland.

Professor Iid waxa ku guuleystay in uu ku qanciyo Xildhibaan Alun Muchael oo ka tirsanaa baarlamaanka Ingiriiska sidii qadiyada xasuuqa loo hor-geyn lahaa Baarlamaanka Ingiriiksa, taas oo hirgashay July 1988, sida ka muuqata sawirka Professor Iid iyo xildhibaan Alun, kaas oo ay ku wehelinayeen alle how naxaristo: Xaaji Yuusuf Cabdillaahi, Cali Drabulys Sheekh Axmed, Cabdi Cismaan, oo dhamaantood ka soo jeeday Cardiff, Wales.

Xildhibaan Alun Muchael ayaa ahaa Xildhibaan laga soo doorto Cardiff oo ah halka uu deganaa Professor Iid, sidoo kalena waa xildhibaankii aasaasay Kooxda Baarlamaanka UK ee All Partyee u ololeeya qaddiyada Somaliland, waxaanu yimid Somaliland sannadkii 2007-kii isaga oo madax ka ah xubno ka tirsan baarlamaanka UK.

Professor Iid, ka sokow hawl-karnimadiisa iyo halgankiisa taariikheed oo ku calaamadsanaa muddo ka badasn 40 sannadood oo uu kaalin weyn ku lahaa horumarka iyo dhismaha dalka Somaliland, waxa sannadkii 2018-kii loo aqoonsaday, isla markaana loo doortay inuu yahay shakhsiga toddobaad ee boqolka qof ee ugu saamaynta badan dadka Madow ee Wales.

Professor Iid Cali Salaan waxa uu kaalin firfircoon ka qaatay horumarka kala duwan ee ay ku tallaabsatay Somaliland muddadii ay jirtay.

Iid Cali Salaan waxa uu kaalin weyn oo firfircoon ka qaatay hawlaha samo-falka iyo caawinta dadka nugul, gaar ahaan arrimaha gargaarka iyo daryeelka ee dadka maskaxdas xanuunsanaya, Somaliland Mental Health Support.

Sidoo kale Professor Iid Cali Salaan waxa uu aasaaska Golaha Qaxootiga Wales (WRC), si ay kaalmo iyo caawimo u siiyaan dadka magan-gelyo doonka ah. Isaga oo ahaa ku xigeenka madaxa fulinta.

Professor Iid Cali Salaan, sidoo kale, tan iyo markii Jamhuuriyadda Somaliland ay xorriyadeeda dib ulla soo noqotay waxa uu u ololaynayey qadiyadda madaxbanaanida qarankiisa, waxaanu dedaal badan iyo juhdi geliyay sidii ay Somaliland u heli lahayn aqoonsi caalami ah isla markaana uga mid noqon lahayd dalalka Adduunka.

Prof Iid Cali Salaan waxa uu bandhigay qorshihii ugu horreeyay abid ee Baanka dhexe ee Somaliland oo uu ku nashqadeeyay Hargeysa 2017.

Professor Iid Cali Salaan waa cilmi baadhe iyo lataliyaha maamulka, ganacsiga iyo horumarinta iyo tababare khibrad sare leh. Sidoo kale Iid waxa uu khibrad ballaadhan u leeyahay arrimaha bangiyada caalamiga. Iid waxa uu waxbarashadiisii heerka koowaad ku dhammaystay dalka Maraykanka, waxbarashadiisa sarena waxa uu ku qaatay dalka Ingiriiska, waxaanu ka qaatay BSC xagga xisaabaadka, BA ee dhaqaalaha, MBA, PGCE, Charter Fellow CIPD iyo Professional Banking Diploma oo uu ka qaatay machadka bangiyada UK oo hadda loo yaqaan UK Institute of Financial Services.