Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo Adeeg Caafimaad Siiyey Bukaan Socod

0
77

Hargeysa (Dawan) Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa adeeg bixin caafimaad u fidiyay todoba iyo soddon kun iyo afar iyo konton Bukaan.

Dr. Khadra Ibraahim Xaaji Maxamed ahna maamulaha waaxda bukaan socodka cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in lixdii bilood ee u danbeeyay ay adeeg bixin caafimaad u fidiyeen 37054, kuwaas oo isugu jiray caruur, dhallinyaro iyo dad waawayn .

Sidoo kale waxa ay sheegtay in qofkii isaga oo xannuunsanaya soconaya ay qaybta bukaan socodka ugu adeegaan, balse qofkii aad xanuunsanaya waaxda gurmadka deg dega ah loogu adeego.

Geesta kale waxa ay sheegtay in waaxdani ay ka kooban tahay dhawr waaxood, oo kala ah cudurada guud, cudurada qaliinka, cudurada maqaarka, cudurada dhagaha, cunaha iyo sanka, cudurada carruurta, cudurada haweenka, waaxda jajabka, waaxda neerfaha iyo qaybta Qaliinka guud, waxaa ay xustay in dib u habayn iyo casriyayn lagu sameeyay isla markaana ay heegan ku yihiin dhakhaatiir khibrad iyo aqoon u leh hawsha ay bulshada u qabayaan.

Gaba-gabadii waxa ay sheegtay in bulsho badan oo kala duwani ay u soo adeeg doonato cisbitaalka guud gaar ahaan waaxda bukaanka socodka.