Itoobiya oo 230 Askari oo Boolis ah u soo Tababartay Somaliland

0
74

 

Qore: Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) laba boqol iyo soddon askari oo ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, isla markaana ah dufcadii u horaysay ayaa tababar loogu soo xidhay magaalada Hawassa ee dalka Itoobiya.

Ciidankan ayaa muddadii tababarku u socday lagu tababaray ka hortaga rabshadaha, la dagaalanka argagixisada iyo ilaalada madaxda kala duwan, dhammaan mowduucyadan lagu tababaray ciidanka ayaa kor u qaadi doonta khibraddoodii iyo aqoontoodii askarinimo, waxaana waxbaray ciidankan macalimiin khibrad iyo aqoon u leh duruusta ay siinayeen.

Geesta kale waxaa barnaamijka si rasmi ah u soo xidhay guddoomiyaha Jaamacadda Booliska Itoobiya Deputy Commissioner General Mesfin Abebe iyo hoggaanka tababarka Ciidanka Booliska JSL Sareeye Guuto Cabdi Axmed Tiir, waxaana sidoo kale goob joog ahaa saraakiil sarsare oo ka tirsan labada Ciidan.

Dhanka kale arrintani waxay bilow u tahay xoojinta wada shaqaynta iyo tabobarrada dhinaca amniga ee u dhexeeya Ciidanka Booliska JSL iyo Ciidanka Booliska Itoobiya.