Shaqaalaha Caafimaadka Caynaba oo La Barayo Ka Hortaga Xanuunada Faafa

0
72

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Caynaba (Dawan) Isu’duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Saraar Dr. Cali Nuur Xaaji Cabdi iyo agaasimaha guud ee cisbitaalka magaalada Caynaba, Dr. Mustafe Maxamed Maxamuud, ayaa tababar ku saabsan tayeynta adeeg bixinta caafimaad ee cisbitaalada dowladda u furay qaar ka mid ah shaqaalaha cisbitaalka Caynaba.

Tababarkan oo socon doona muddo shan cisho ayaa ku saabsana sidii kor loogu qaadilahaa tayeynta adeegyada caafimaad ee laga bixiyo cisbitaalada dalka Somaliland.

Agaasimaha guud ee cisbitaalka magaalada Caynaba, Dr. Mustafe Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in tababarkan ay shaqaalah u qabanayaan uu ku saabsan yahay ka hortaga xannuunada faafa, waxaanu wasaaradda horumarinta caafimaadka uga mahadnaqay soo agaasinka tababarkani, waxaanu intaas ku daray inay wax weyn ka tari doonto koru uqaadista adeeg bixinta caafimaadka degmada Caynaba, waxaanu shaqaalahi tababarkani qaadanayay ku booriyay in ay ka faa’ideystaan mudada tababarku socdo, isla markaana ay weeleeyaan.

Isu’duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Saraar Dr. Cali Nuur Xaaji Cabdi, ayaa soo dhaweeyay tababarkan loo furay qaar ka mid shaqaalaha ka hawlgala cisbitaalka guud ee magaalada Caynaba, waxaanu macalimiintii iyo khuburradii bixinayay casharada tababarkani ku adkeeyay inay wakhtiga uga faa’ideeyaan ka soo qayb galayaasha.