Wariye laga Dalbaday in uu soo celiyo £200,000 oo uu mushaar ahaan u qaatay

0
69

Idaacada BBC da ayaa waxay ka dalbatay Huw Edwards oo ahaa wareiye hore in uu soo celiyo lacag  dhan £200,000 taas oo uu u qaatay mushaar ahaan kadib markii la xidhay bishii November ee sanadkii la soo dhaafay kadib eedeymo la xidhiidhaq in uu ku xadgudbay caruur.

Barnaamij daadihiyihii hore “si xun ayuu u dhaqmay” isaga oo iska sii watay in uu qaatay mushaarkiisa isaga oo ogaa waxa uu sameeyay, sidaas waxaa yidhi madaxa BBC da Samir Shah oo soo saaray warqad.

Edwards oo horay u ahaa war akhriyaha ugu darajo sarreeya BBC da, ayaa sii qaadanayay mushaar muddo shan bilood ah kadib markii la xidhay iyada oo lagu eedeeyay saddex dambi oo ah in uu sawiro anshax darro ah ay isla wadaageen caruur.

Waxaa laga mamnuucay shaqada bishii July waxaana la xidhay afar biloodka dib xilligaas. Iskama aanu casilin shaqada BBC da ilaa bishii April.

Shah ayaa waxa uu sheegay in Edwards “uu ku noolaa laba nololood oo kala duwan” isaga oo ahaa qofka wajiga u ah barnaamijyo badan sido kalana ahaa wartabiye aad loo jeclaa, balse “wuxuu qiyaanay aaminaadii ay aamineen shaqaalaha iyo dhagaystayaasha intaba”

Wuxuu sheegay in wariyuhu uu ahaa “dambiile” iyo in “dhibanayaashu ay yihiin caruurta uu dhaqan xumadiisa” suuqa uga dhex sameeyay.

Edwards ayaa waxa uu qirtay bishii July in uu galay saddex dambi oo lagu soo eedeeyay oo la xidhiidha in uu sawiro anshax darro ah la wadaagay caruur.

Dambiyadaan ayaa waxaa la sheegay in ay dhaceen intii u dhaxaysay sanadihii 2020 kii ilaa 2022 kii ayna ahaayeen is waydaarsiga 37 sawir oo la iskula wadaagay WhatsApp ka sida ay sheegeen booliska Metropolitan ka.